GAAROODI NEWS NETWORK

SOMALILAND KHASAARE KA TAGAN TAHAY GUDOOMIYE CIRO IYO XISBIGIISA

SOMALILAND KHASAARE KA TAGAN TAHAY GUDOOMIYE CIRO IYO XISBIGIISA

 

Tani iyo wakhtigii loo doortay xubin ka noqoshada golaha wakiilada jsl ee

dhacay sanadii 2005 iilaa maanta ma jiro waxa lagu amaano gudoomiye

C.raxman maxamed c.laahi (Ciro) tusaale kooban C.raxman ciro wuxuu

ahaa mudanihii ugu cod badan gobalka Saaxil gaara ahaa degmada goda

weyn ilaa hada ma jirto hal mashruucu oo la taaban karo oo u ka qayb

qaata oo laga hirgalay guud ahaa gobalkii laga soo doortay taa

bedalkeeda wuxuu ciro ka qayb qaatay boobka iyo musuq- maasuq tiro

beelay ee guud ahaan ka jira Somaliland ,muddadii u gudoomiyaha golaha

wakiilada ahaa ma jiro hal xeer oo qiimo u leh shacab Somaliland oo u

golaha wakiiladu ansixiyee taa bedelkeena wuxuu ciro ka qaybqaata

kordhinta canshuurihii dadka laga qaadi jiray dadka sida

1-xeerka takaalifta gaadiid 2-

kordhinta lacagaha laga qaado gedida diyaaraha cigaal earport , arimaha u

gaarka ah gobalka saaxil ee isaga laga soo doortay Cirro ma jiro maalin

kaliya u ka hadal ama ka dhidhiiyey dhaxal wareejinta hay’adaha dawliga

ah ee qaranku iska leeyahay oo ay ka mid yihiin:-

1- wareejintii xarunta kaluunka ee (nec fish )

2- wareejinta haamaha shidaalka berbera

3- wareejintta maamulka laydhka magaalada berbera

4- wareejintii dekada berbera taas kaliya ma dhaliil u ciro leeyahay

maalin kaliya kamuu hadal xaalada adag ee ka jira gobalka saaxil iyo

guud ahaan dalka soomaliland sidoo kale qodobada gudoomiye cirro

lagu dhaliilo waxa ka mid qabyaalada oo keentay inuu labadiisi

xoghaye ee isaga xogyahanta u ahaa labadu ahaayeen labo wiil u

adeer u yahay ama isku jifo yihiin sida xasan cumar (xasan ogaal) iyo

maxamed dirir .

Arinta la yaabka igu noqotay ayaa ahayd ciro diidanaa heshiiska dekada

Berbera ee DP world ayaa u socdaal emiratka carab isla halkaa wuxuu

kula kulamay sheekha ama boqorka Dubai arinta laga wada hadal waa

cadan muddo ka dib markii u dalka ku soo laabtay cirro wuxuu kow ka

noqo isaga iyo xisbigiisu ansixinta mashruuca maalgalinta dekada berbera

halkii looga baahan inuu gudoomiye ciro inuu ilaaliyo danaha shacabka iyo

qaranka inuu dhaafsaday lacag yar oo u sheikh ama boqorka Dubia u soo

dhiibo, dhaqanada iyo maamuus xumada xisbigiisa ka jirta waxa ka mid

inuu yahay xisbi ku dhisan hanaan qaybaaladeeda oo beelaysan balse aan

marnaba jirin waxa maba’ida ah iyo aragti ku dhisan balse u ciro mar

waliba ka hormarayo ta qabiilka taasina ma ah mid keeni karta inuu

xisbigu gaadho himilada hanka inuu talada dalka hanto .

La soco qaybta dambe

Qalinkii : Dr: Maxamud cali yusuf (madhaafan)

Email: Madhafaan5@gmail.com

Facebook: DrMohamud Madhaafan

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply