GAAROODI NEWS NETWORK

WADANI HA LAGA WAANIYO WACAD FURKA :-W/Q MAXAMED DAHIR

WADANI HA LAGA WAANIYO WACAD FURKA :-W/Q MAXAMED DAHIR

 

Wacadka amba arrinka la wada galo wax waajib ah in dhinacayada wada galay ay sidiisa u fuliyaan. Balse

waxa baryahan danbe soo noqnoqotay xisbiga Wadani oo caadaystay in uu ka baxo kolba heshiiska ay

wada galaan saddexda xisbi qaran.

Sida aynu ka wada warqabno Xisbiga Wadani waxa uu si xidhiidha u furay wacadkii amba heshiiskii uu la

galay xisbiyada kale ee Ucid iyo Kulmiye,heshiisyadaa waxa ka mid ah:

1.Heshiiskii Diwaangalinta Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeisa.

Isagoo marka hore Wadani heshiiska qayb ka ahaa ayaa markii lagu dhawaaqay in lixdaa goobood

diwaangalinta doorashada madaxtooyada laga qabanayo,ayuu Wadani markiiba abaabulay siyaasiyiin

xisbigiisa ka tarsin kuwaas oo hadalo amni darro abuuri kara bulshada ku afuufay,si gaar ahna iskugu

dayay in colaad la kala dhexdhigo bulshooyinka walaalaha ah ee wada daga galbeedka Somaliland.

2.Doorashada Golaha Wakiilada iyo Arrinta Saami Qaybsiga

Saddexda Xisbi Qaran in muddo ah ayay ka wada shirayeen arrinta saami qaybsiga iyo doorashada

golaha wakiilada balse kulanno isdaba jooga ah ka dib waxa soo baxday oo la isla qaatay in

Madaxwaynaha dib loogu celiyo isagana kalsooni la siiyo waxa uu arrinka doorashada golaha wakiilada

iyo saami qaybsiga kaga talo bixiyo in sideeda lagu qaato,wax hadal ahna aan laga daba keenin,waliba

saddexda xisbi qoraan ayay ku bixiyeen in ay ku qancayaan go’aanka uu Madaxwaynuhu soo saaro.

Muddo ka bacdi talo bixintii Madaxwaynaha ayaa soo baxday,waxana Madaxwaynuhu ku taliyay in

wakhti fiican la siiyo arrinta saami qaybsiga ee ku salaysan tabashooyinka gobalada darafyada

Somaliland,si loo adkeeyo wada jirka iyo midnimada dalka. Maadaama oo doorashada kaabiga inagu

hayso waxa uu ku taliyay Madaxwaynuhu in doorashada la kala qaado ta Madaxwaynahana wakhtigeeda

la qabto tan baarlamaankana laga danbaysiiyo si loo dhamaystiro arrinta saami qaybsiga kuraasta golaha

wakiilada.

Wadani hadana halkiisii ayuu ka miisay,isagoo ku qacan saydhay go’aankii Madaxwaynuhu soo

saaray,bal u fiirso markii hore qoraal ayay ku bixiyeen in ay u hogaansamayaan go’aanka Madaxwaynaha

hadana si cad ayay ooga horyimaadeen.

3.Wacad Furka Xisbiga Wadani Gudihiisa Ka Dhacay

Mudane Cabdiraxman Cirro waxa kale oo uu ku wacad furay Axmed Muumin Seed oo tan iyo maalintii

xisbiga la aasaasay wax walba galiyay xisbiga intaana Cirro ku lahaa adigaa ah Murashaxa Madaxwayna

ku xigeen ee Xisbiga. Axmed muumin seed Cirro waxa uu ku doorsaday nin jug soo dhacay ah oo imika

uun yimid horena aan xisbiga wax u gashan.

Waxa kale oo iyana lagu wacad furay siyaasiyeen iyo deegaano Somaliland ka tirsan oo hore Mudane

Cirro ugu balan qaaday in uu ku wareejinayo booska gudoomiyaha xisbiga,balse dadkii dad aan ahayn

ayuu imika hadana heshiis kale la galay.

Maxaa Xisbiga Wadani Ugu Wacan Wacad Furka

Xisbiga Wadani waxa ugu wacan balan furka Gudoomiyahooga Mudane Cabdiraxman Cirro oo ku caan

baxay gudoon jilicsan,go’aan qaadasho la’aan. Tani waxa ay ka dhigaysaa Cirro masuul aan hogaamiyo

qaran ahayn oo marka xaaladu adkaato talo adag , dhiirani,iyo ku dhac la yimaada (Lack of

Statesmanship Leadership Character).

Ta kale heshiisyada aad la gasho labada xisbi qaran ee kale hadii aadan ka dhaadhicin karin

musdanbeedka xisbigaaga maxaad marka hore u galaysaa. Ta kale musdanbeedka la sheego ma iyagaa

Mudane Cirro hogaamiyo mise isagaa hogaamiya?.

Hadii aan indhaha la iska ridaynin masuuliyada dib u dhaca doorashada wakiilada waxa iska leh golaha

wakiilada ee Mudane Cirro hogaamiyo,golahaasi 11 sanadood ka gaabsaday in uu curiyo ansixiyana

xeerar badan oo laf dhabar u ah dawladnimadeena iyo horumarka dalkeena iyo dadkeena,oo uu ka mid

yahay xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiilada iyo arrinta saami qaybsiga xubnaha golaha

wakiilada taasi oo taalay golaha 11 sanadood ee u danbaysay miiska hoosteedana la dhigay.

Guntii iyo gabagabadii Mudane Cirro waxa uu ku sifoobay shakhsi aan ilaalin karin weedhiisa iyo

heshiisyada uu la galo xisbiyada kale (A man who can not keep his word).Balan furku waa astaan xun oo

aan u fiicnayn qofka muslimka ah iyo guud ahaan bina aadamka oo dhan,muujinaysayna kalsooni

darro,maamul xumo,farsamo xumo iyo ka aradnaanta hogaamin suuban(good leadership).

W/Q Maxamed Dahir Axmed.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply