GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo Sawirada: Boqor Cabdalla oo Kenya ka degay isaga oo xiran Dareeska Ciidanka iyo Uhuro oo isna soo …

GRDI Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa maanta booqasho ku tagay Boqol Cabdallaha labaad ee dalka Jordan, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya iyo masuuliyiim kale.

Boqor Cabdalla ayaa ka dagay magaalada Nairobi isaga oo xiran dareeska ciidanka milatariga dalkaasi, waxaana soo dhaweeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isna xirnaa dareeska ciidanka Milatariga Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Boqor Cabdalla ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi, waxa ayna labada masuul kawada hadleen xoojinta xariirka ka daxeeya labada Dowladoda.

Labada Masuul ayaa ka qeyb gali doona dhoolo tus ay si wadajir ah u sameyn doonaan ciidamo kasocda dalka Jordan iyo Ciidamada Kenya, waxaana dhoolo tuskan ciidanka kusoo bandhigayaan awoodooda ciidan.




Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply