GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo Sawirada Meydad askar Kenyan ah & hub laga soo furtay oo la soo bandhigay

Gaaroodinews.net Xarakada Al-shabaab ayaa ku soo bandhigay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe meydad askar Kenyan ah oo ay ku dileen weerar maalmo ka hor ka dhacay degaanka Haamey oo ka tirsan gobolka woqooyi Bari Kenya.

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weeraray saldhig booliska Kenya ku leeyihiin degaankaas, iyagoo dilay askar saldhigaas ku sugneyd.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa ku soo bandhigay degmada Jilib qalab kala duwan iyo gaadiid ay ka soo furteen ciidamada Kenya, kuwaasoo ay ka mid yihiin rasaas, qoryaha darandooriga u dhaca, jaakadaha rasaasta celiya iyo waxyaabo kale.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobta lagu soo bandhigay meydadka askarta Kenya iyo qalabka laga soo furtay, waxaana goobta ka hadlay saraakiil ka tirsan kooxdan oo ku hanjabay iney sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya.








Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply