GAAROODI NEWS NETWORK

Faransiiska: UK waa inay qaybteeda ka qaadataa dhibaatada xerada Calais

GRDI

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in xerada qaxootiga ee loo yaqaan Jungle la wada xiraayo guud ahaan mar uu booqasho ku tagay magaalada Calais ee ay xerada ku taallo.

Madaxweyne Hollande ayaa sheegay inuu go’aansaday in UK ay qaybteeda ka qaadato howlaha bini’aadanimada.

Mr Hollande ayaa la kulmay masuuliyiinta dekadda Calais, boliiska iyo siyaasiyiin laakiin lama filayo inuu booqdo xerada.

Mustaqbalka xerada iyo dadka degen oo dhan ilaa 10,000 oo qof ayaa noqotay arrin muhiim u ah ololaha tartanka madaxweynenimada Faransiiska.

Mr Hollande ayaa sheegay inuu go’aansaday in dowladda UK ay caawin doonto howlaha bini’aadanimada, dowladiisana ay xooga saari doonto.

Francois Hollande iyo Nicolas SarkozyImage copyrightA
Image captionSiyaasiyiinta Faransiiska ayaa ololahooda doorashada xooga saaraya inay ka hortagayaan dadka sharci darada ku soo galaya waddanka

7,000 ilaa 10,000 oo qaxooti iyo muhaajiriin ayaa degan xerada Jungle, iyagoo ku nool xaalad xun. Intooda badan ayaa doonaya inay si sharci daro ah ku soo galaan UK iyagoo ku soo dhuumanaya baabuurta.

Mr Hollande, ayaa xusay dadaalka ay sameeyaan ciidamada ammaanka ee Calais, wuxuuna sheegay “inuu fariin u dirayo dadka wax tahriibiya : Taas oo ah dad ma keeni doontiin mar kale”.

UK ayaa maalgalisay darbi dhererkiisu dhan yahay 1km oo laga dhisayo jidka aadaya dekadda si looga hortago dadka ku soo dhuumanaya.

Shaqada darbiga ayaa bilaabatay toddobaadkii hore, waxayna dhamaanaysaa dhamaadka sanadka danbe.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply