GAAROODI NEWS NETWORK

Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobay oo Ku eedeeyay Ruushka Dambiyo dagaal

GRDI Safiirka Britain ee Qaramada Midoobay ayaa ka baxay fadhi degdeg ah oo Golaha Ammaanka u socday ka dib markii uu ku eedeeyay Ruushka in ay galeen dembiyo dagaal.

Matthew Rycroft, oo ay weheliyeen safiirada Faransiiska iyo Maraykanka, ayaa ka dareereen fadhiga markii Safiirka Suuriya loo yeeray inuu ka hadlo kulanka degdeg ah oo ay dalbanayaan in la joojiyo rabshadaha ka socda magaalada Aleppo.

Ka tagidda kulanka Mr Rycroft, Ergayga Maraykanka Samantha Power, iyo Fransiiska Francois Delattre ayaa muujinaya cadhada iyo jahwareerka reer galbeedka ee ku aadan go’aanka Madaxweynaha Suuriya Bashar Assad oo ku dhawaaqay in ay la wareegayaan Aleppo ka dib markii Mareekanka iyo Ruushka ay ku guuldareysteen heshiiska xabad joojinta ah.

khudbado kala gaar ah oo golaha kasoo jeediyeen , saddexda dal ka hor inta ay ka bixin hirka ayaa ku eedeeyeen Ruushka inuu taageero weerarada Suuriya islamarkaana uu ka hadlayo joojinta cadaawadda.

Mr Rycroft ayaa sheegay in ay a “adag tahay in la iska indho tiro” in labada xukuumada Suuriya iyo saaxiibka Ruushka ah ay galayaan dambiyo dagaal.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply