GAAROODI NEWS NETWORK

Trump oo ballan qaaday Jurusalaam in loo aqoonsan doono caasimada Israa’iil ..

GRDI Musharaxa madaxtinimada Mareekanka ee xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa ballan-qaaday in Jurusalaam loo aqoonsan doona caasimada kaliya “ee “Israa’iil oo aan laka qeybin haddii isaga la doorto.

Trump ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo uu ku casuumay gurigiisa , maalin ka hor inta uusan wajahin musharaxa kasoo horjeeda ee Hillary ee dooddii ugu horreysay ee madaxweynaha.

Clinton ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulanto Netanyahu magaalada New York ka hor doodda.

“Trump ayaa sheegay in Jurusalaam ay aheed caasimada weligeed ee dadka Yuhuudda muddo ka badan 3,000 oo sano, islamarkaana hadii isaga uu madaxweyne ka noqdo Maraykanka, uu aqbali doono xilka mudada dheer soo jiitamay ee Kongareeska mareekanka meelmarin waayay in Jurusalaam loo aqoonsado caasimada gobolka Israa’iil.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply