GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaa Sababa Samboorka?Maxaase Lagu Daweeyaa

Waxyaabaha Keena Sanboorka iyo Sida Loo Daweeyo

Sanboor waxaa sababo xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jidhka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahayn oo uu jidhka la sameeyo walxa aan dhibaato  ku hayn jidhka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka.

 

Maxaa sababa sanboor

Marka jidhkaaga uu la sameeya xidhiidh xasaasiyad kiciye, jidhku wuxuu soo daynaa maado la yidhaahdo histamine oo ah kiimiko kamid ah kuwa uu difaaca jidhka  isticmaalo, kiimikadad waxay sababeysaa astaamaha sanboorka lagu garto.

Xasaasiyad kiciyaasha waxaa kamid ah

Cowska ,Busta ,Dhogorta xoolaha ,Calyada bisadda ,Caaryada

Inta lagu guda jiro xilliyada qaar ee sanadka, waxaa laga yaabaa in uu bato sanboorka, sida xiliga qaboobaha iyo guga.

Astaamaha samboorka

Astaamaha iyo calamaadaha caanka ah ee lagu yaqaano sanboorka waxaa ka mid ah

Hindhiso ,Sanka oo  xidhma , Sanka oo ku  cuncuna ,Qufac ,Cunno oo cuncun Sameeya  ,Indho oo ku cuncuna  iyo Madax xanuun badan oo uu soo raaco daal.

Inta badan waxaa la dareema kuwo kamid ah astaamaha kor ku xusan isla marka uu jidhka la kulmo xasaasiyad kiciyaal. Calaamadaha qaar sida madax xanuun soo noqnoqda ama daal waxaa la dareemaa marka uu jidhka marar badan la kulmo xasaasiyad kicye. Xumad  ma ahan astaan lala xidhiidhiyo samboorka.

Xasaasiyad waxey saameyn kartaa qof walbo, hasa yeeshee waxaa unugul inuu ku dhaco qof tolkiisu ay qabaan xasaasiyado taas oo loo yaqaan Hido raac  .

Waxyaabaha kale ee kicin kara ama kaga dari kara samboorka waxaa ka mid ah:

Sigaar cabid ,Kiimikooyinka qaar ,Jawiga qabow,Huur ,Dabeyl,Hawo wasakheysan ,Cadarka  iyo Dawooyinka samboorka

Dawooyinka loo yaqaano antihistamin

Dawooyinka fura sanka

Dawooyinka lagu buufiyo sanka inta waxa loo isticmaala dawaynta sanboorka xiliga uu kacsan yahay .

Fiiro gaar ah : fadlan la tasho dhaqtar inta aadan bilaabin qaadashada daawoda.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply