GAAROODI NEWS NETWORK

Ogeysiis iyo Bushaaro Dhamaan Dadweynaha Ku Xidhan Shabakada Gaaroodinews

ogeysiisWaxaa farxad weyn noo ah hadaanu nahay maamulka iyo hawlwadeenada shabakada caalamiga ah ee gaaroodinews, in balaadhin iyo dhisma cusub oo casri ah loo sameeyay shabakada gaaroodinews.

Waxaa wax badan lagu soo kordhin doonaa qaabka aanu dadweynaha ugu adeegno, anagoo soo kordhin doona adeegyo badan sida idaacad iyo tv.

Waxaa intaa noo dheer in shaqaalihii ka hawl gali jiray aad loo kordhiyey isla markaana la hawl galiyey weriyayaal cusub oo ka hawl geli doona magaalooyinka kala ah: Burco,Borama,Berbera,Gabiley iyo magaalada Ceerigaabo,sidoo kale waxaanu dhawaan shaqaaleysiin doonaa weriye nooga soo warama magaalada Laascaanood hadii Allah idmo.

Waxaanu idiin balan qaadeynaa inaad mar walba naga heli doontaan warar dhex-dhexaad ah oo lagu kalsoon yahay,warbixino,arimaha bulshada,ciyaaraha,faallo cilmi ku saleysan iyo barnaamijyo taxana ah sida barnaamijkii caanka ahaa ee Mooge Iyo Maqiiqane iyo barnaamijyo aan si toos ah usoo tebin doono iwn.

Hadaba akhristayaasha ku taxan shabakadan waxaanu ka codsaneynaa in ay nagu soo kordhiyaan wixii talo iyo tusaale ah.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply