GAAROODI NEWS NETWORK

War yaab leh:xukuumada oo xabsiga dhigtay g/ku xigeenka komishanka xuquuqal insaanka qaranka,ahna seyga wasiirka deegaanka

Gudoomiye ku xigeenka komishanka xuquuqal insaanka qaranka Maxamud Garaaf Maxamed isla markaana ah seyga wasiirada deegaanka marwo Shukri Baandare,ayaa muddo sadex habeen ah ku xidhan xarunta C.I.D ee magaalada Hargeysa.

Waxay wararku intaas ku darayaan in ciidamada sirdoonku ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaala hargeysa habeen sadexaadkii.

Ma cadda ilaayo imika sababta lagu soo xidhay masuulkan, balse warar ayaa sheegaya inay soo galeen tuhuno sirdoonku muddo daba socday.

Maxamud Garaad Maxamed ayaa xilal wasiirnimo ah ka soo qabtay xukuumadii xisbiga UDUB ee Dahir Riyale.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintan kala soco shabakada gaaroodinews.

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply