GAAROODI NEWS NETWORK

BREAK NEWS: Dawladda Ingiriiska Oo Caddaysay In Qaddiyadda Somaliland La Hordhigi Doono Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay

Dawladda Ingiriiska, ayaa bixisay tibaax muujinaysa in qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland la horgeyn doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Ku-xigeenka Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska ee Qarammada Midoobay Ambassador Peter Wilson oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey madaxbannaanida Somaliland shalay, ayaa sheegay in qaddiyadda Somaliland tahay mid dhinacyo badan khusaysa, sidaa darteedna ay la tashi la samayn doonaan Golaha Ammaanka, isagoo aan si cad u sheegin waqtiga ay la-tashigu bilaabmi doono.

unsax

Suxufi ka tirsan hay’adda warbaahintra ee Inner City Press, ayaa Ambassador Peter weydiiyey su’aal ahayd; ‘Waxa jira in hal milyan oo qof oo reer Somaliland saxeexeen codsi (pettition) ay beesha caalamka kaga dalbanayaan aqoonsi, markaa waa maxay aragtida dawladda Ingiriiska ee la xidhiidha arrintaas?’ waxa uu ku jawaabay, “Hagaag, waxa aan aan u malanaynayaa in hannaanka doorashooyinku yihiin arrinta aannu si aad ah u danaynayo sidii loo dammaanad qaadi lahaa in la helo hab laga wada qaybqaato sida ugu macquulsan.”

“Qaddiyadda Somaliland waa mid aad u cufan oo dhinacyo kala duwan khusaysa (very complex one) laakiin waa mid aan rajaynayo in aannu la-tashi kala yeelanyo (xubnaha Golaha Ammaanka),” ayuu yidhi diblomaasiga sare ee Ingiriiska u jooga Qarammada Midoobay.

Weriyaha Inner City Press, ayaa sidoo kale Wakiilka dawladda UK u qaabilsan Qarammada Midoobay Ambassador Matthew Rycroft la kulmay 23 August 2016, waxaannu wax ka weydiiyey qoraalka codsiga ah ee halka milyan ee muwaaddiniinta Somaliland saxeexeen, kuna dalbanayaan in beesha caalamku aqoonsato, balse arrintaas wuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo, waxaannu si kooban u yidhi; “Waan ka soo fiirsanayaa, dib ayaanan kuu siin doonaa jawaabta arrintaas.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa xaflad lagu qabtay Hargeysa, 23 August 2016 waxay ku soo bandhigtay natiijada qoraal codsi ah (Petition Letter) ay saxeexeen hal milyan iyo kow iyo labaatan kun (1,021,000) muwaaddin, kaasoo ay beesha caalamka kaga dalbadeen inay aqoonsadaan jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland.

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply