GAAROODI NEWS NETWORK

Shariif Sheekh Axmed oo iska fogeeyay inuu wax ka ogaa heshiiskii Badda ee Somaliya iyo Kenya..

GRDI Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu eedeynayay Dowladdiisa in ay Mas’uul ka aheyd Muranka hada u dhaxeeya Soomaalliya iyo Kenya, taas oo la xiriirta in xubno ka tirsan Dowladdiisa ay saxiixeen Heshiis is afgarad ahaa oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in Heshiiskaasi wanaag iyo xumaan waxa uu keeno in Mas’uuliyadiisa ay qaadayaan Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi jirey iyo Wasiirkii saxiixay, isaguna aan waxba ka ogeyn is afgaradka dhexmaray Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee arrintaasi ku aadan.

“Marka ugu horeysa heshiiska is fahamka ee la saxiixay, cid akhrisay ma idinku jirtaa, ma waxaa ku jirta Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay, waxaas oo dhan waa la siyaasadeeyay, Baddan marka aan imaanayay soo baxday oo dadka oo dhan la abaabulay maxay tahay, sheekadan siyaasad waaye, Ra’iisul Wasaaraha idin jawaabay, Wasiirka idin jawaabay, anigana maba arkin warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixay ma ogeyn, hadey fiican tahay, dadkaas is ka leh, hadey xumaatana ayagaa leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Wxuu sheegay Sheekh Shariif in arrintan lagu soo aadiyay waqti xasaasi ah, sidoo kalena u muuqato mid la siyaasadeyanayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn wuxuu ka hadlay shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu Dowladda Federaalka ka codsaday Maamul usameynta ka hor in ay sameyso shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo Waxgaradka Labada dhinac.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



Leave a Reply