GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweyne Madbacadda Qaranka. W/Q Ali Muse Jibril

Madaxweyne Madbacadda Qaranka. W/Q Ali Muse Jibril

Madaxweynaha waxxa waajib kugu ah dhismaha hay’addaha dawladda (state building), haddaba waxaad moodaa in madaxweynuhu
wali aanu dardar gelin shaqooyinkii hay’addaha qaar sida madbacadda qaranka oo dawladda ugu fadhida muhiimad balaadhan, madaxweyne isbedelku wuxuu ka yimaa daa marka hay’addaha dawladda la dhiso, madaxweyne waliba door buu ka soo qaatay dhismaha hay’addaha dawladda tusaale ahaan Madaxweyne Cigaal
Wuxuu sameeyey haykal dawladdnimo wuxuu hirgaliyey astaamo badan oo muhiim u ah dawladnimada sida dastuurka, lacagta, ciidamada qaranka, iyo dib u heshiisiintii beelaha soomaalilaand, iwm Madaxweyne Rayaale Wuxuu dhammaystiray nidaamka axsaabta badan wuxuu hirgeliyey afar doorasho oo nabad gelyo ku dhacay, iwm Madaxweyne Siiraanyo Wuxuu dhisay wasaaradihii dawladda, wuxuu kordhiyey mushaharooyinkii shaqaalaha, wuxuu bixiyey derejadii ciidamada, wuxuu u badheedhay dhismaha wadada ceerigaabo, wuxuu bedelay lacagtii beriga iwm Haddaba, mudane madaxweyne waxa ku horyaala ee ugu muhiimsani waa dhismaha iyo adkaynta hay’addaha dawladda (state building) gaar ahaan kuwa madaxa banaan ood moodo in aanay xisaabtaba kuugu jirin. tusaale ahaan madbacadda qaranka waxa shaqadeedii haysta shakhsiyaad ee maxaa kaaga meel yaala? Dunbaa meel ka xidhan wali.
Jibriil131@yahoo.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM