GAAROODI NEWS NETWORK

10-ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Oo La Soo Saaray, Neymar Oo Hogaaminaya & Cristiano Ronaldo Oo Laga Waayay 10-ka Ugu Horeeya

KPMG ayaa daraasad ay samaysay ku soo saartay xiddigaha ugu qiimaha badana sanadkii 2018 ee la soo dhaafay.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed salah ayaa noqday xiddiga ugu qiimaha badan Premier league isaga oo ka dambeeya xiddigaha Neymar, Mbappe iyo Messi.

Mohamed salah ayuu qiimihiisu gaadhay lacag dhan 168 milyan euro isaga oo ku dhawaad 55 milyan ka dambeeya xiddiga ugu horeeya ee Neymar.

Xiddiga reer Brazil oo ah xiddiga ugu qiimaha badan ayuu qiimihiisu yahay 229.1 milyan euro isaga oo uu ku xigo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylain Mbappe kaas oo uu qiimihiisu yahay 215 milyan euro

halka uu Messi oo ku xiga yahay 203 milyan euro.

Cristiano Ronaldo ayaa ka maqan 10-ka ugu sareeya isaga oo lagu qiimeeyay kaliya 107 milyan oo euro inkasta oo uu yahay xiddiga ugu qiimaha badan horyaalka Serie A-da isaga oo ay ka dambeeyaan xiddigaha Paulo Dybala oo dhan 95 milyan oo euro iyo Xiddiga Inter Milan ee Mauro Icardi oo dhan 90 milyan euro.

Harry Kane ayaa ku xiga kaas oo dhan 151 milyan euro isaga oo ak horeeya xiddiga Eden Hazard oo dhan 148 milyan euro iyo Kevin De Bruyne 129 milyan halka ay sidoo kale Man United ku jirto.

Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee 6-da kooxood ee premier League ugu waaweyn laga dhex waayay xiddigeheeda kuwa ugu qiimaha badan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka xiddig ee ugu qiimaha badan:

  1. Neymar, PSG: €229.1m
  2. Kylian Mbappe, PSG: €215m
  3. Lionel Messi, Barcelona: €203.3m
  4. Mohamed Salah, Liverpool: €168.3m
  5. Harry Kane, Tottenham: €151.1m
  6. Eden Hazard, Chelsea: €148.2m
  7. Kevin De Bruyne, Man City: €129.4m
  8. Antoine Griezmann, Atletico Madrid: €125.6m
  9. Paul Pogba, Man United: €119.3m
  10. Philippe Coutinho, Barcelona: €118.2m

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM