GAAROODI NEWS NETWORK

Diego Godín Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Inter Milan, Imisa Sano Ayuu U Saxiixayaa?

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan heshiis la gaadhay daafaca kooxda Atletico Madrid ee Diego Godín sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga reer Italy ee Gianluca Di Marzio una shaqeeya Sky Sport Italia ayaa sheegaya in uu Godin u saxiixi doono Inter Milan heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Heshiiska ayay ka dhiman tahay in la dhamaystiro faah-faahin yar xilli xiddiga 32 jirka ah heshiiskiisa Atletico Madrid dhamaan doono xagaaga.

Godin ayaa ku biiray Atletico Madrid xagaagii 2010 waxana uu tan ilaa haatan ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda reer Spain.

Xiddiga ayaa xulka qarankiisa u ciyaaray 125 kulan isaga oo waliba xulkiisa Uruguay Matalay 3-diii koob adduun ee ugu dambeeyay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM