GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Premier League Oo Ku Dhawaaqay Liiska Shan Murashax Oo Ku Tartami Doona Tababarihii Horyaalka Ee Bishii December.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa dhawaan si rasmi ah u shaaciyay liiska shan macalin oo ku tartami doona tababarihii ugu fiicnaa horyaalka ee bishii tagtay ee December.

Nuno Espirito Santo, Manuel Pellegrini, Mauricio Pochettino, Maurizio Sarri iyo Jurgen Klopp oo dhamaantood kusoo raaxaystay kulamadii ay kooxahooda hoggaamiyeen bishii December ayaa ah shanta macalin ee liiskan kusoo baxay.

Fiiro Gaar Ah:

K => Kulamada

G => Guulaha

B => Bar-Bardhac

Kh=> Khasaare

Nuno Espirito Santo (K6 G4 B1 Kh1)

Tababare Nuno Santo ayaa kooxdiisa Wolverhamton Wanderers soo gaadhsiisay afar guulood kaddib lix kulan oo ay bishaas soo ciyaareen, Guulahaas ayay kamid ahaayeen kuwo soo laabasho ah oo ay kasoo gaadheen Chelsea iyo Tottenham.

Jurgen Klopp (K7 G7 B0 Kh0)

Klopp ayaa rekoodh cajiib ah ka haysta bishii tagtay ee December isaga oo dhammaan soo guuleystay toddobadii kulan ee ay kooxdiisu ciyaartay, Reds ayaa bishaas qabtay hoggaanka horyaalka waxa ay soo dhaliyeen 22 gool iyaga oo 3 gool shabaqooda u ogolaaday.

Manuel Pellegrini (K7 G5 B0 Kh2)

Tababaraha ree Chile ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyay afar guulood oo xidhiidh ah isaga oo sidoo kale gaadhsiiyay guushii soo laabashada ahayd ee ay ka heleen Southampton

Mauricio Pochettino (K7 G5 B0 Kh2)

Iyaga oo kasoo kabanayay guuldaradii Derby London ee Arsenal, Spurs ayaa soo gaadhay shan guulood oo xidhiidh ah iyaga oo 20 gool soo dhaliyay gudaha bishaas.

Maurizio Sarri (K7 G5 B0 Kh2)

Sarri ayaa shan guulood lasoo gaadhay kooxdiisa bishii December waxaana guulahaas fure u ahayd natiijadii 2-0 ka ahayd ee ay kaga adkaadeen kooxda Manchester City oo wakhtigaas hoggaanka haysay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM