GAAROODI NEWS NETWORK

Miyuu Tababare Ole Gunnar Solskjaer Waydiistay Maamulka Manchester United Inay Xilka Tababarenimo Ee Kooxda Si Rasmi Ah Gacanta Ugu Geliyaan? Isaga Ayaa Jawaab Cad Ka Bixiyay

Tababaraha sida kumeel gaadhka ah u haya xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay wax ku saabsan wararka sheegaya inuu wadahadalo la galay maamulka sarre ee kooxdiisa isaga oo weydiisanaya inay si rasmi ah uga dhigaan macalinka kooxda.

Tababaraha ree Norway ahna weeraryahankii hore ee kooxda ayaa soo guuleystay dhammaan afartii kulan ee uu Red Devils soo maamulay isaga oo barbareeyay rekoodhkii ahaa guulaha afarta kulan ee ugu horreeya ee Sir Matt Busby.

Solskjaer ayaa ayaa sheegay inuusan wax wadahadal ah la yeelan maamulka kooxdiisa isaga oo xusay inay jiri doonaan hab ay u maraan doorashada macalinka xiga ee ay dooranayaan.

Ole ayaa yidhi “Waa xilli hore, Markii aan imid waxa ay ahaayeen (Maamulka Man United) kuwo furan oo daacad ah, Waxa ay leeyihiin hab ay maraan si ay u raadiyaan macalinka xiga laakiin markasta oo ay badantahay inta aad halkan joogto waa markasta oo aad raaxaysato”

“Wakhtiyada qaar hal kulan ayaad halkan joogaysaa, Sidaa darteed, Maalinta ay ku dhawaaqaan macalin cusub, Haddii uu aniga yahay amaba qofkale, Kaddib nasiib wanaag ayaan u rajaynayaa iyaga”

Ole Gunnar ayay macquul tahay inuu si rasmi ah ula wareegi karo xilka tababarenimo ee Man United haddiiba uu halkiisa kasii wado qaabka wacan ee uu kooxda usoo maamulayay mudada kooban ee uu hoggaanka u ahaa.

Sidoo kale waxaan marnaba meesha ka maqnayn liis macalimiin ah oo lala xidhiidhinayo inay si rasmi ah u qabanayaan jagada tababarenimo ee Old Trafford suuqa xagaaga.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM