GAAROODI NEWS NETWORK

Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Guushii Ay Ka Gaareen Liverpool & Iney Kusoo Dhawaadeen Hogaanka Horyaalka?

Tababare Pep Guardiola ayaa kooxdiisa guul gaarsiiyay kulankii dhimashada iyo nolosha ahaa ee ay xalay la qaateen Liverpool, wuxuuna ku baaqay in kulan walba oo kaga haray horyaalka uu u yahay sida kama dambeys (Final).

Citizens oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa 2-1 ku dubatay Liverpool, marka laga tago iney soo afjartay rikoorkii guuldaro la’aanta Liverpool ee horyaalka hadana waxey usoo dhawaadeen hogaanka iyagoo 4-dhibcood oo qura usoo jirsaday.

Guardiola aad ayuu u amaanay ciyaartoydiisa, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay in kulan walba ay u ciyaari doonaan sida iney joogaan kama dambeysta tartanka.

“Ma xasuusto horyaal sidaan u adag, waxaa halkaan jooga tartamayaal waaweyn, sidaas darteed kulan walba waa final”

“Waan ku faraxsanahay ciyaartoydeyda, balse maahan kaliya maanta, waxaan luminay laba kulan muddo afar bari gudahood ah, balse ma aanan iloobin wixii ay ii sameeyeen 16-bilood. Waan ogeyn iney maanta kama dambeys noo aheyd, hadii aan lumin laheyn, wax walba dhamaad ayey ku dhawaan lahaayeen”

“Waxaan qiimeyntooda siinayaan dhamaan ciyaartoyda aan caadiga aheyn, labada kooxood waxey isku dayeen iney mid walba raadiso, ma aheyn kuwa cabsanaya, nama heynin wax walwal ah, balse waxaan la kulanay cadaadis badan”

“Waa hogaamiyayaasha horyaalka, waana afar dhibcood, waa inaan soo yareynaa farqiga. Waan ogeyn hadii aan guuleysano inaan tartanka horyaalka kusii jireyno, balse hadii aan lumino ay wax walba dhamaadeen”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM