GAAROODI NEWS NETWORK

Saddexdii Arrimood Ee Manchester City U Sahlay Inay Garaacdo Liverpool Iyo Xogta Caawisay Pep Guardiola

Manchester City waxay ku guuleysatay inay dib u furto tartanka Premier League oo u muuqan lahaa mid u xidhmay Liverpool haddii khasaare ay kala kulmi lahayd ciyaartii Khamiistii ay garoonka Etihad ku garaacday 2-1.

Kooxda Tababare Guardiola ayaa noqotay naadigii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan guul-darro dhadhansiiya Liverpool oo 20 kulan oo hore ay usoo ciyaartay Premier League aan dhinaceeda dhulka la dhigin, balse waxa markan dhexda u galay Sergio Aguero oo qaybtii hore gool qurux badan ka dhaliyey kaddib diciifnimo ka timid difaaca Liverpool, laakiin Roberto Firmino ayaa barbarreeyey daqiiqaddii 64aad ka hor intii aanu daqiiqaddii 72aad Leroy Sane dhalinin goolka guusha ay ku heshay Manchester City.

Manchester City ayaa qaybtii hore si weyn uga gacan sarraysay Liverpool, waxaanay gacanta ku dhigtay khadka dhexe iyagoo ka ilaaliyey weerarka, dhexda iyo difaaca kooxda Klopp inay is gaadhaan oo si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Haddaba maxay yihiin saddexdii arrimood ee ka caawiyey Manchester City inay soo afjarto guulaha Liverpool, isla markaana u fududeeyey Pep Guardiola inuu libin kula damaashaado xiddigaha kooxdiisa?

Halkan hoose kaga bogo saddexda qodob oo faahfaahsan, kaddibna samee qiimayn shaqsi ah

1. Aguero oo mar kale caddeeyey inuu yahay libaaxa kulamada waaweyn

Inkasta oo labada kooxoodba ay haystaan ciyaartooyo heer sare ah oo ay garoonka ku wada jireen, haddana waxa isbarbar-dhig lagu samaynayey waxqabadka xiddigaha hoggaamiyeyaasha ah sida Aguero iyo Mohamed Salah oo ahaa kuwa laga filayey inay goolal dhalinayaan, ugu dambayna damaashaad iyo farxad siin karaya kooxdooda, balse waxa calanka qaaday Sergio Aguero oo gool qurux badan qaybtii hore ka dhaliyey Liverpool.

Boos ayuu ka samaysay qaybta kooxda kasoo horjeedday ee Liverpool, waxaanu si fiican kubbadaha ula wadaagayey Raheem Sterling iyo Leroy Sane, waxaana uu mar walba ahaa mid difaacyahannada dhibaato ku ah oo aan wax baqasho ah qabin.

Virgil van Dijk iyo Lovren oo garabkiisa taagnaa, waxa ku adkaatay inay la tacaalaan orodka joogtada, maamuliddiisa heerka sare ee kubaddu aanay lugtiisa ka boodaynin iyo tamartiisa aan dhamaadka lahayn.

Mohamed Salah ayaa kulanka yimid isaga oo haysta 13 gool, laakiin Aguero ayaa isaguna garoonka soo galay isagoo sannadkii 8aad ka ciyaaraya horyaaalka Premier League, isla markaana adeegsanaya khibrad iyo waayo aragnimo uu kasoo helay sannadihii badnaa ee uu horyaalka xamaasadda badan goolasha badan kaga soo dhalinayey, ugu dambayna waxa uu libinta kala hoyday  Salah iyo Klopp oo aanay cidina ka adkaanin horyaalka ka hor kulankan.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM