GAAROODI NEWS NETWORK

Sheekadii Aaron Ramsey Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo U Muuqata Mid Soo Dhammaatay Xilli Xiddiga Ree Wales Uu Haatanba Heshiis Hordhac Ah Qalinka Ugu Duugay Koox Ree Yurub Ah.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa u muuqda mid haatanba meeleeyay mustaqbalkiisa dhaw ee kubadda cagta waxaana ay wararkii ugu dambeeyay daaha ka qaadayaan inuu haatanba heshiis hordhac ay qalinka ugu duugay kooxda Juventus.

Kaddib bilo ay warar xan ahi kusoo xeernaayen mustaqbalkiisa iyo kooxdiisa xigta ee uu uga bixi doono Arsenal, Waxa lagu soo warramayaa in Aaron uu go’aan ku gaadhay inuu u saxeexo kooxda ree Talyaani ee Juve.

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga gaar ahaan wargeyska Sports Mediaset, Juve ayaa ku guuleysatay tartankii loogu jiray Ramsey waxaana ay haatanba kooxda fadhigeedu yahay Turin heshiis shan sano ah la gaadhay xiddiga ree Wales.

Bianconeri ayaa Ramsey mushahar ahaan u siin doonta 5.9 Milyan, Sidoo kale waxa heshiiskan qayb ka noqon kara xiddiga Juve ee Sami Khedira oo u wareegi kara dhinaca Arsenal.

Agaasimaha ciyaaraha Juve ee Patrici ayaa toddobaadkii hore si xoogan u amaanay 29 jirkan isaga oo ku sheegay ciyaartoy cajiib ah isla markaana heerka ugu sarreeya kasoo ciyaarayay sanado badan.

Kooxaha kale ee ku jiray tartankan balse ay u muuqato inay ku fashilmeen ayaa kala ah Bayern Munich, Real Madrid , Paris Saint Germain iyo Inter Milan oo dhammaantood xidhiidh la sameeyay wakiilada xiddigan

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM