GAAROODI NEWS NETWORK

Wararkii Nabil Fekir La Xiriirinayay Liverpool Oo Soo Laabtay & Xiddiga Oo Laga Reebay Liiska Kooxdiisa Ee Todobaadkan

Inkasta oo uu suuqa january kaliya furan yahay muddo 4 maalmood ah hadana waxa durba soo laabtay wararkii xiddiga Nabil Fekir la xiriirinayay kooxda Liverpool.

Nabil Fekir ayaa laga reebay kooxda lyon ee todobaadkan ciyaari doonta koobka France.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Liverpool xagaagii laakiin heshiiska ayaa bur-buray ka hor bilowgii koobkii adduunka.

Fekir ayaa u muuqday mid Lyon sii joogi doona ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan inkasta oo ay heshiiskiisa ka hadhsan yihiin 18 bilood.

Taas ayaa la macno ah in ay tahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Lyon ama la iibiyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin kaliya maalmo markii uu suuqa January furnaa xiddiga ayaa si lama filaan ah oo shaki ku jiro looga reebay Liiska kooxdiisa la ciyaari doonta kooxda Bourges Foot.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM