GAAROODI NEWS NETWORK

Wargeyska Corriere della Sera Oo Real Madrid Ku Abuuray Rajo Ku Saabsan Mauro Icardi – Muxuu Baahiyay?

Wargeyska Corriere della Sera ayaa rajo fiican galiyay Real Madrid maadaama ay raacdo ugu jirtay helitaanka xiddiga reer Argentina Mauro Icardi kadib markii uu baahiyay in xaaskiisa ahna wakiilkiisa ay ka dalbatay kooxda Inter Milan mushaar aad uga badan midka uu hadda ka qaato garoonka San Siro.

Kabtanka reer Argentina waxaa heshiiskiis alagu jabin karaa lacag dhan 110 Malyan oo Yuuro labada isbuuc ee ugu horreysa bisha July, kooxda Madrid ayaana si aad ah loola xiriirinayay tan iyo markii uu baxay Ronaldo.

Kooxda waxey dooneysaa iney xiddigaan ka ceshato dhamaan kooxaha kale isla markaana ka saxiixdo heshiis cusub, balse sida lasoo warinayo xaaska ahna wakiilkiisa [Wanda Nara] waxey ka dalbatay kooxda Inte riney siiyaan xiddiga adduun dhan 9 Malyan oo Yuuro fasalkii.

Wargeyska Corriere della Sera ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen in sare loo qaado lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa balse aan meesha laga saarin.

Hadii mushaarka loo kordhiyo Mauro Icardi, wuxuu ka mid noqon doonaa ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka Serie A-da.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM