GAAROODI NEWS NETWORK

Wargeyska L’Equipe Oo Soo Xushay Shaxdiisa Sanadkii 2018, Sergio Ramos & Mohamed Salah Oo Iska Dhex Waayay Iyo Hadii Ay Kusoo Baxeen Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi.

Inkasta oo sanadkii tagay ee 2018 uu noqon doono mid inta badan lagu xasuusto fashilkoodii Final-ka Champions League haddana waxa ay soo qabteen shaqo cajiib ah iyaga oo usoo baxay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan isla markaana horumar weyn soo sameeyay.

Soo iibashadii Alisson Becker ayaa ka dhigaysa kuwo haysta goolhaye heer caalami ah iyaga oo sidoo kale lasoo wareegay xiddigaha kala ah Fabinho, Naby Keita iyo Xherdan Shaqiri oo siinaya awood qoto dheer oo khadka dhexe ah.

Dabcan hoggaamiyaha Reds ee xilli ciyaareedkii 2017-2018 ayaa ahaa xiddiga ree Masar ee Mohamed Salah kaas oo ahaa gool dhaliyahooda ugu sarreeya isla markaana kamid ahaa xiddigihii loo magacaabay abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or.

Haddaba, Wargeyska ree France ee L’Equipe oo soo xushay shaxdiisa sanadka ayaa sameeyay saf xoogan walow mid kamid ah go’aanada waaweyn ee ay qaateen uu kamid ahaa in Salah gabi ahaanba boos loo waayay marka laga yimaado in laba xiddig oo kooxdiisa ahi ay boos ka heleen.

Jamaahiirta kubadda cagta ayay macquul tahay inay la yaabaan in cida Reds ka hadlaysa ay tahay wargeyska L’Equipe kaas oo lagu xasuusto qiimayntii aadka u hooseysay ee uu ku qiimeeyay qaab ciyaareedkii xiddigaha Liverpool kaddib kulankii ay guuldarada kala soo kulmeen PSG.

Shaxda L’Equipe Ee Sanadka, Safka Xoogan Ee Uu Xushay, Xiddigaha Premier League Iyo Maqnaanshaha Mohamed Salah.

Wargeyska ayaa booska goolka u xushay goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak isaga oo kasoo tagay goolhayahii sanadka ee FIFA ee Thibaut Courtois, Midkii Koobka Aduunka kusoo guuleystay ee Hugo Lloris iyo waliba Keylor Navas oo markale Champions League hantay.

Booska afarta daafac ayaa ah mid muran xoogani ka aloosmi karo maadaama oo uu iska dhex waayay Sergio Ramos oo si joogto ah boos ugu leh shaxda kooxda sanadka ee FIFA waxaana uu wargeysku doortay Raphael Varane oo sanad weyn soo qaatay, Marcelo Viera, Virgil Van Dijk iyo Trent Alex Arnold.

Wargeyska ayaaa N’Golo Kante oo markale is muujiyay isla markaana koobka aduunka kusoo guuleystay usoo xushay khadkiisa dhexe isaga oo lamaane la ah Luka Modric oo inta badan abaalmarinihii waaweynaa ee sanadka jeebka ku shubtay.

Lionel Messi oo ahaa gool dhaliyihii ugu sarreeyay 2018, Eden Hazard oo bandhig aan la rumaysan karin kusoo sameeyay Koobkii Aduunka iyo Kylian Mbappe oo soo hantay koobka aduunka isla markaana booska afraad ka galay liiska xiddigaha Ballon d’Or ayaa ah xiddigaha safka weerarka raacsay ee booska khadka dhexe.

Ugu dambayn, Weeraryahanka shaxdan ayaa ah Cristiano Ronaldo oo soo qaatay sanad kale oo cajiib ah, Walow uusan wax abaalmarin ah oo weyn kusoo guuleysan haddana waxa uu kusoo guuleystay Champions League markii saddexaad oo xidhiidh ah iyo markiisii shanaad abid.

L’Equipe (4-2-3-1)

GK – Jan Oblak

RB – Trent Alexander-Arnold
CB – Raphael Varane
CB – Virgil van Dijk
LB – Marcelo

CM – N’Golo Kante
CM – Luka Modric

RM – Kylian Mbappe
CF – Lionel Messi
LM – Eden Hazard

ST – Cristiano Ronaldo

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM