GAAROODI NEWS NETWORK

Ammaanka Magaalada Garoowe Oo Aad Loo Adkeeyey Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Saaka Ee Udiyaar Garawga Doorashada.

Garoowe(Gaaroodi-News) Ciidamada dowla goboleedka Puntland ayaa si aad ah u adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ciidamo badan oo maamulkaasi ah ayaa lagu soo daabulay gudaha magaalada Garoowe si ay amniga u adkeeyaan maalmaha doorashada.

Sideedda bishan ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee Puntland oo ay u taagan yihiin musharraxiin aad u badan.

Dhanka kale, Garoowe waxaa ku sugan ciidamo badan oo ay kala wataan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi.

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM