telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Wadanka Finland Oo Bilad Sharaf Gudoonsiisay Gudoomiyaha Isgaadhsiinta Shirkada Telesom Cabdikariin Max’ed Iid

Hargeisa(Garoodi-News) Magaalada Turku waxay xidhiidh xoogan la leedahay somaliland waxaanu la soconaa horumarka dalka, mid ka mid ah shaqsiyaadka haldoorka ah ee somaliland ka soo saaray wadamada aan horumarsanayn isla markaan ka dhigay wadan casri ah waa Cabdikariin Maxamed Iid.

Magaalada Turku waxay si diiran u soo dhawaynaysa in loo doorto hogaamiyaha ugu wanaagsan ee Shirkadaha technologyada ee qaarada africa. sidaa waxaa tidhi elina rantanen 

Maayirka magaalada turku oo ah caasimada labaad ee dalka ku yaala waqooyiga qaarada Yurub ee Finland oo bilad sharaf qoraal ku lifaaqan yahay soo gaadhsiisay madaxda shirkada telesom.

Maayir Elina Rantanen waxay bilad sharaftan ugu tala gashay gudoomiyaha shirkada Telesom, waxayna u soo wakiilatay xildhibana Rooda Cabdilaahi Xasan oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka  ee magaalada turkuu , waxaana bilad sharfta ka gudoomay Madaxda ugu sareeysa ee shirkada telesom

 

 

 

Halkan hoose ka Daawo:- 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom