GAAROODI NEWS NETWORK

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Puntland

Muqdisho(Gaaroodi-News) Siyaasi Cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame oo hambalyeey Mudane Saciid C/laahi Deni oo loo doortay Madaxweynaha Puntland. Saciid wuu mudnaa, sababtoo ah waa siyaasi xog-ogaal ah, in badan siyaasada u soo dhabar adaygay.

Waxaan kaloo u mahad celinayaa Madaxweyne Gaas oo suura geliyey in doorashadu xiligeedii si nabad ah ku dhacdo, iyadoon khilaaf, qori iyo is qab qabsi lahayn, kana ilaaliyey saamaynta taban ee Dawlada Federaalka ah. Waxaan kaloo u dhiiro gelinayaa Generaal Asad Cusmaan oo dadaal iyo firfircooni muujiyey. Waa nin dhalinyaro ah oo siyaasada saanqaad fiican ka bilaabay.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM