GAAROODI NEWS NETWORK

Ingiriiska Oo Somaliland U Soo Magacaabay Wakiil Gaar Ah

Hargeysa ( Gaaroodi-News ):- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waddanka Britain uu Somaliland u soo magacaabay Ergay gaar ah kaas oo fadhigiisu noqon doono magaalada Addis-Ababa.

wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, oo ku sugan UK ayaa sheegay in uu la kulmay Ergaygaasi oo dhawaan xilka qaban doona.

waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM