GAAROODI NEWS NETWORK

Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Shaaca Ka Qaaday In Dowlada Ingiriisku Saldhig Milatari Ka Codsatay Iyo Waxa Loogu Bedelayo Xog Rasmi Ah

Addis-Abeba(GRN)>Sida lagu daabacay bogga hore ee wargeyska Addis Getachew ee ka soo baxa magaalada Addis Abeba waxay dowlada UK ay si rasmi ah uga codsatay xukuumada Somaliland in ay helaan saldhig ciidan oo badda ah taa bedelkeedana ay ka hawl geli doonto dowlada Ingiriisku sidii ay Somaliland ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo ku dhow diblumaasiyiinta sar sare ee ee dowlada UK oo si dhow ula socday kulankii wasiirka gaashaan dhiga Uk iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowlada Ingiriisku ay adeegsan doonto dalal badan oo qaarada Africa saameyn ku leh majaraha siyaasada iyo awoodaha Ururka AU dhexdiisa, si looga arinsado arinta Somaliland.

Dowlada UK ayaa hore ugu dhawaaqday in ay bilaabi doonto sidii ay u heli lahayd saldhigyo ciidan gaar ahaan ka bixitaankii

ay ka baxeyn ururka EU-da.

Hadaba wargeysku si uu jawaab uga helo dhanka xukuumada Somaliland waxay wareysteen Danjiraha Somaliland u jooga magaalada Addis-Abeba Mudane Axmed Xassan Cigaal si ay arinta kulanka Hargeysa Ee Biixi Iyo Mr.Gavin wax uga weydiiyaan.

Mr.Cigaal ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada U.K. ay si cad uga codsatay sidii ay saldhig ciidanka Badda ah looga siin lahaa dalka Somaliland.

Safiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay mar walba soo dhaweenayso dowladaha daneenaya inay saldhig ka sameystaan Somaliland,isagoo hoosta ka xariiqay in arintani ay wanaag uun ku soo kordhinayso gobolka geeska.

Safiirku wuxuu sidoo kale daboolka ka qaaday in dowlada Ruushku ay iyaduna ku hawlan tahay sidii ay codsi la mid ah ka UK ay dhawaan u hor keeni lahayd Xukuumada Somaliland si ay iyaduna qeyb uga hesho saldhigyada ciidan ee laga yaabo in dhawaan ay dowlado badan ka helaan Somaliland.

Somaliland ayaa sida la ogyahay aad u daneenaysa sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka iyagoo doorkan u jiheystay in ay kula gor-gortamaan quwadaha aduunka in ay saldhigyo siinayaan hadii aqoonsiga lagala shaqeeyo….

Xigasho=Addis Getachew

Tarjumaadii =Gaaroodinews

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM