GAAROODI NEWS NETWORK

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Ka Hadlay Waxay Somaliland Ka fileyso Madaxweynaha Cusub Ee Puntland & Waxa Laga Doonayo.

Hargeisa(Gaaroodi-News) Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe cusub oo uu kaga duwanaan karo madaxdii soo martay Puntland.

Mr Buubaa, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland Mr Deni laga doonayo in qaab wadahadal ah uu u wajaho dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, islamarkaana uusan dagaal u horseedin shacabka.

Wuxuu sheegay in waxa ugu horeeyo ee ay ka filayaan madaxweyne Deni inay tahay dhameynta xiisadda Puntland islamarkaana ay sugayaan inuu xooga saaro qurxinta waxyaabaha ay ku dheeleen madaxdii ka horeysay.

Dhinaca Somaliland ha noqoto ama Puntland ha noqoto, waxaan ka fileynaa madaxweynaha cusub inuu kasoo bixi doono doorka laga doonayo oo uu wanaajiyo cilaaqaadka u dhaxeeyo labada Puntland”ayuu yiri

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray .

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM