GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qarabadii Uu Ka Baxay Marxuum G.Le Sare Yusuf Cabdi Oday

Hargeisa(Gaaroodi-News)  Tacsi Madaxweyne: 17/01/2019

                                              INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Yuusuf Cabdi Oday oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 17/01/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal waayo arag ah oo ka baxay Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib u xorayntii dalka, iyo dib u dhiskii ciidamada Booliska Somaliland oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, wakhtigiisa iyo cimrigiisana waxa uu geliyey sidii dalku u yeelan lahaa ciidan kaafiya baahiyaha shacbiga kuna nastaan adeegooda.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM