GAAROODI NEWS NETWORK

DegDeg:- Xisbiga Kulmiye Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga La Qabanaayo Shirweynihii Xisbiga Iyo Goobta Lagu Qabanaayo

Hargeisa(Gaaroodi-News) Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen wakhtiga la qabanayo shirweynaha golaha dhexe Ee xisbigaasi.

Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in 23 bisha Labaad ee sannadkan 2019-ka ay qabanayaan shirkoodii golaha dhexe. magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ay sheegeen in uu ka dhacaayo shirkaasi.

Shirkan ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka cusub ee shanta sanno ee soo socota.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hore ka digay in shirka xisbiga KULMIYE la geeyo magaalada Boorama, waxaanu ku taliyay in haddii aan la doonayn in xisbigaas la baabiiyo shirkiisa lagu qabto magaalada Hargeysa ee caasimadda ah.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM