GAAROODI NEWS NETWORK

Maalqabeen British ah oo sanado ka dib ogaaday inaanu dhalin carruurtii loo hayay

UK(Gaaroodinews)Richard Mason oo ah 54 jir meel fiican ka gaaray ganacsiga, isla markaana wax ka asaasay barta internet-ka ee MoneySupermarket.com, ayaa sheegay in markii dhakhtarku warkaa u sheegay uu dareemay sida qof dubbo lala dhacay

Balse arinta ugu naxdinta badneyd ayaa ahayd in saddexda canug ee ay u haysay xaaskiisii hore ee Kate, aanu isagu dhalin.

“Dhakhtarka ayaa ii sheegay in dhammaan ragga qaba xanuunka cystic fibrosis ay yihiin kuwa madhalays ah, oo ay aad u adag tahay inay aabbo noqdaan,” ayuu maalqabeenkaasi u sheegay BBC-da qeybteeda Radio 5 Live.

Mason ayaa dhakhtar taranka qaabilsan u tegay ka dib markii ay muddo uur u yeelan weyday gabadha ay hadda wadajoogaan ee Emma, sidaa ayaana lagu ogaaday inuu qabo xanuunka.

Richard Mason and his current wifeLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionMason iyo xaaskiisa hadda ee Emma

Khiyaano waalidnimo

Maalqabeenka ayaa markii uu ogaaday in aanu waxba dhali karin waxa uu su’aalo weydiiyay xaaskiisii hore ee Kate, taasoo ay kala tageen 2007 ka dib 20 sano oo ay qoys ahaayeen.

Waxa ay u sheegtay in saddexda canug oo kala ah mataano Ed iyo Joel oo 19 jir ah, iyo Willem oo 23 jir ah uu isagu dhalay, balse waxaa taa beeniyay baaritaan DNA oo ilmaha lagu sameeyay.

DNA exam in a labLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBaaritaan DNA ah ayaa lagu ogaaday in Mason aanu dhalin saddexda canug

Ka dib Mason ayaa maxkamad la tiigsaday Kate, waxaana bishii November ee sanadkii hore ay ogolaatay inay bixiso magdhaw dhan 320,000 oo dollar. Furiinkeeda waxa ay horay ugu qaadatay lacag dhan 5 milyan oo dollar.

Balse garsooraha maxkamadda ayaa u ogolaaday Kate inay qariso heybta ninka ka dhalay saddexda canug.

“Ma aysan dooneyn inay magacawdo aabbaha dhabta ah, sababtuna ma ogi. Waa taa sababta ay u go’aansatay inay magdhawga bixiso, maadaama haddii ay sidaa samayso aan looga baahneyn inay shaaciso magaca aabbaha,” ayuu Roger Terrell oo ah qareenka Mason u sheegay wargeyska Daily Telegraph.

Mason ayaa rumaysan in carruurta ay mustaqbalka ogaan doonaan ninka dhalay, taasina ay u sahli doonto in isaguna uu ogaado.

Ganacsadahan ayaa lacag dhan 6,400 oo dollar u ballanqaaday ciddii u xaqiijisa aabbaha dhabta ah ee ilmahaasi.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in Mason uu rumaysan yahay in ilmaha aabbahood uu noqon karo nin ay sagaashameeyadii Kate ka wada shaqeyn jireen bangiga Barclays, isla markaana uu xiriir ka dhexeeyay.

BBC-da ayaa isku dayday inay la xiriirto Kate, balse wax jawaab ah kama aysan helin.

Xiriir la’aan

Kiiskan ayaa culays kale u horseeday Mason, ka dib markii laba ka mid ah carruurta ay xiriirka u jareen.

“Waan arkaa waxyaabaha ay soo dhigaan Facebook, aad ayaana uga calool xumaadaa. Wiilka curadka ah ayaa dhawaan qalinjabiyay, xafladiisana la iguma casuumin,” ayuu Mason u sheegay Daily Mail.

Ed oo keliya ayaa xiriir la sameeya Mason. Balse Joel oo ah mataanka Ed ayaa dhaliilay hab-dhaqabka Mason.

“Waa danayste aan lala socon karin. Waxaan dabeecadaasi ku arkay markaan 15 jirka ahaa,” ayuu u sheegay Daily Mail.

Waxa uu intaa ku daray in aanu dooneyn inuu raadiyo aabbihii dhabta ah.

“Aabbahay waa Richard Mason, mana raadin doono midka dhabta ah. Waxaan hadda ka shakisanahay inuu jiritaankeena ogyahay.”

Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK

Xigasho BBC Somali

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM