telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodi-News) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Jamhuuriyadda Somaliland oo ka samaysan bir.

Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa siina horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi.

Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta qaranka Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya.

 

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Iyo Sawirada:- 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom