GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ayaa Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magalada Hargeisa + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodi-News) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo u maal-mihii u dambeeyey socdaal shaqo Ku joogay dalka keyna ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-qadanayey soo dhaweyntaa  masuuliyyiinta Xisbiga WADDANI, Xildhibaano iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI, kuwaas oo sitay Calanka astaamaha u gaar ka ah Xisbiga WADDANI.

Wuxuu ka warbixiyay safar shaqo uu ku joogay magaalada nairobi sidoo kale wuxuu ka hadlay xadhiga lagula kacay abwanaaada

 

Halkan hoose ka Daawo Sawirada soo dhaweynta :- 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM