GAAROODI NEWS NETWORK

Dhacdo Ugub Ah: Tiradii Ugu Badneed Ee Hal Mar Dhulkoodii Xoog looga Qaaday Oo Muuse Biixi Baaq U Diray & Arimo Yaab Leh Oo Daboolka Laga Qaaday

“Madaxweyne Arrintani Waxay na Xasuusinaysaa ficilladii ay Ku Kici Jirtay Dawladdii Hore Ee Soomaaliya Ee Laga Xoreeyay Dalka, Waxaanan u Aragnaa Caddaalad-darro Tii Ugu Waynayd Ee Ku Dhacda Muwaaddiniin Reer Somaliland ah” Cabashada Muwaadiniintan,

Soddon Muwaaddin oo reer Somaliland ah, ayaa

cabasho ka muujiyey Dhul ay lahaayeen oo ay sheegeen inay

dawladdu si badheedh ah uga qaadday. Dhulkaas ayey sheegeen

Xubnahani inay maalgeliyaan oo ay Dugsiyo waxbarasho,

Cusbitaallo caafimaad iyo Wershado, balse loo sheegay in

Madaxtooyo laga dhisayo.

Qoraal ay ku saxeexan yihiin Xubnaha Guddiga Mulkiilayaashaas oo

dalka gudisiisa iyo waddamada dibeddaba kala jooga, ayey ku

muujiyeen cabashadooda iyo siday uga xun yihiin waxa ku dhacay,

isla markaana waxay Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen inuu

dhulkooda u soo celiyo, kana joojiyo dayrka iyo dhismaha laga

bilaabay Baloodhadoodaas.

Shaxda Qaraalka ay ku saxeexan yihiin xubnahan, isla markaana ku

qoran yihiin muwaaddin kasta oo dhul ku leh magiciisa oo saddexan,

tirada baloodhada uu ku leeyahay iyo dalka uu deggan yahay oo

Warbaahinta ay Guddigu soo gaadhsiiyeen caawa, kuna

taariikhaysnaa taariikhda toddoba bisha 1-aad 2019-ka, ayaa u

dhignaa sidatan:-

“KU: Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland –

Mudane: Muuse Biixi Cabdi

Ujeeddo: Cabasho: Dhul dawladdu ka qaadday Muwaadiniin –

Mudane Madaxweyne;

‘Annagoo ah muwaaddiniin u badan qurba-joog oo reer Somaliland

ah, waxaan ka cabanaynaa dhul aan ku leenahay Degmada Ibraahin

Kood-buur/guul Allaah. Waxaan ku war helnay dawladda oo ku

wareejisay Ciidan iyo dhisme dayr, taas oo haba-yaraatee wax

ogeysiin ah oo lanaga talo-geliyay dhulkagayagaa dhismihu ka

socdo aanay jirin illaa manta oo laga joogo sagaal bilood ugu

yaraan.

Haddaba, Madaxweyne, waxaan kuu sheegaynaa dhulkani inaanu

ahayn mid laysku haytso oo wax khilaaf ahi ka taaganyahay ama

aanu ahayn dhul dan guud oo dawladdu leedahay, laakiin uu yahay

dhul sharciyaddiisu dhammaystiran tahay.

Annaga oo xeerinayna sharafta dawladnimo, amniga iyo kala

dambaynta Qaranka, ayaan kulan la yeelannay Wasiirka arrimaha

gudaha, si aan u ogaanno asbaabaha keenay in dhulkayagii

dawladdu la wareegto iyo xaaladdan ka taatan Dhulkayaga aannu

sharciga u lahayn.

Mudane Madaxweyne jawaabta aannu ka helnay Wasiirka, ayaa

waxay noqotay dhulkaa waa laydinkala wareegay oo Madaxtooyaa

laga dhisayaa, balse Wasiirku noomuu sheegin meel aannu u raacno

hantidayadii haba-yaraatee iyo cid aannu kala xidhiidhno toona.

Annaga oo Madaxweyne ka xun sida wax noogu dhaceen iyo niyad-

samida aannu u haynay horumarinta waddankayaga oo kala fog

awgeed, ayaa waxaan ku xasuusinaynaa madaxweyne in qorshaha

dhulkani ahaa inaannu ka dhisno mashaariic horumarineed sida;

Cusbitaallo, Iskuullo, Wershado iyo wixii la mid ah.

Hase-yeeshee, Madaxweyne arrintani waxay na xasuusinaysaa

ficilladii ay ku kici jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya ee laga

xoreeyay dalka, waxaanan u aragnaa caddaalad-darro tii ugu

waynayd ee ku dhacda muwaaddiniin Somaliland ah tan iyo intii ay

jirtay jamhuuriyada Somaliland

Sidaa daraadeed, Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa,

1.Inaad noo soo celiso hantidayadaa aan xaqa u leenahay.

2.Inaad ka joojiso dhismaha ka socda dhulka, taas oo aan u aragno

sharci-darro, kana soo horjeeda xaqa muwaaddinka,

bani’aadaminnimada iyo ta Diinta Islaamka.

3.Madaxweyne waxaan kaa rejaynaynaa inaad xal ka gaadhid

dhulkayaga, tixgelin gaar ahna siiso cabashadayada.

NP-

1.Arrintan waxa nagu kalifay inaan Warbaahinta u marinno

cabashadayada, waxaannu waynay cid noo geysa Madaxweynaha si

aan ugala hadalno arrinta dhulka.

2.Waxanu u sheegaynaa ummadda Somaliland iyo Dawladda

Somalilandba in aanu dhulkani ahayn dhul laysku haysto ama khilaaf

ka taaganyahyahay, laakin u yahay dhul sharcigiisii dawlada-hoose

dhammaystiranyahay.”

Magacyada Mulkiilayaasha Dhulka leh, siday u kala leeyihiin iyo

dalalka ay ku kala Nool yihiin;-

Khadra Ismail Hassan 2 bloodh Canada

Abdiqadir Sh. Ismail Hassan 2 bloodh Canada

Dr Said Ismail 4 bloodh Canada

Jama Abdi Aw

Muhumed

4 bloodh Canada

Osman Xashi Awad 5loodh Canada

Mohamed Cumar Ahmed 1balood USA

Gulied Cumar Ahmed 1balood USA

Ali Cumar Ahmed 1.5balood Canada

Hasan Mohamed Ali 2balood UK

Ibrahim Mohamed Abdi 1bloodh UK

Mohamed Ahmed Warsam 1.5balood USA

Hasaan Mohamed Gulaid 2 bloodh Canada

Khaddar Haji yusuf Nur 7bloodh Norway

Ahmednasir Maxamed Ahmed 5blood Canada

Saciida Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada

Maxamed Ahmed Hudle 5bloodh Canada

Hodan Rashiid Abdillahi 5bloodh Canada

Kaize Sahrdiid Osman 1bloodh Somaliland

Kaize libax Buraid 1bloodh Somaliland

Shamis Mahamed Odaaw 10 bloodh Somaliland

Hassan Maxamed Salah 4bloodh USA

Anab Maxamed Odawa 5bloodh Canada

Asha Maxamed Odawa 3bloodh Somaliland

Maryan xasan Awale 1bloodh Somaliland

Zaynab Jama Iidan 2bloodh UK

Khaddar Yasiin 1bloodh Somaliland

Khaddar Abdi 2bloodh Somaliland

Mohamed abdullahi Suugaal 4bloodh Canada

Abdullahi Ali Ibrahim 10bloodh Canada

Said Hassan Ali Maal 1 bloodh Somaliland

Magacyada Guddiga

1. Canab Maxamed Odowaa

2. Maxamed Axmed Hudle

3. Aadan C/raxman Sh.Mohu’ed

4. Maxamed Cumar

5. Maxamed Adan Cumar

Allaa Mahad leh.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM