GAAROODI NEWS NETWORK

FBI-Da Mareykanka Oo Xidhtay Roger Stone

USA (Gaaroodi-News):- Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa maanta xidhay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da.

Stone ayaa waxaa loo xiray dhowr eedeymo oo la xiriira baaritaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016.

Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii jimcaha ku xireen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xiriira inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay cadaalladda iyo midka kale oo ah inuu faro-geliyey marqaati furayaal.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM