GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Safiirka Somaliland Ee Dalka Germany Amb Cabdifataax Cismaan Cigaal Oo Ka Qayb Galay Shir Caalamiiya Oo Lagu Gorfaynaayay Horumarinta Beeraha Qaarada Africa + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodi-News) Safiirka Somaliland ufadhiya dalka jarmalka Amb cabdifataax cismaan cigaal ayaa ka qayb galay shir caalamiyia oo lagu gorfaynaayay horumarinta beeraha wax soo saarka  qaarada Africa, waxaana badi goobjoog ahaa qaar ka mid ah wasiirada beeraha ee dalalka Africa iyo wakiilada u qaabilsan dalka jarmal shirkan oo soo qaban qaabisay wasaarada beeraha ee dalka jarmalka

Waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan madaxda dalka jarmalka marti sharaf iyo xubno ku hadlaaya afka wasiirada beeraha ee dalalka Africa

Amb cabdifataax safiirka u fadhiya Somaliland ee jarmalka ayaa ka waramay muhimada uu shirkani lahaa .

Inkastoo ay shirkani caalamiga ah anau ka qayb galin wasiirka wasaarada horumarinta beeraha somaliland Axmed Muumin Seed oo markaasi isaga si rasmi ah loogu soo casuumay hadana amb cabdifataax ayaa u arkaayay fursad ka luntay somaliland.

Mudadii uu xilka safiirnimo hayay cabdifataax cismaan cigaal wuxuu dadaal xoogan u galay sidii beesha caalamka iyo madaxda imanaysa dalka jarmalka uga dhaadhicin lahaa maal gashiga iyo imaanshaha Somaliland si ay u arkaan xasiloonida iyo horumarka  xawligaa ee u hirgalay qaranka somaliland

 

Halkan hoose ka Daawo Sawirda:- 

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM