GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxa Kormeerka Wasaarada Hawlaha Guud Oo Joojiyay Shaqo Kasocotay Buur Danguud Ah Oo Ay Dad Danyar Ahi Kashaqaysan jireen Oo Ayla Wareegeen Dad Gaar Ahi + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Wasaarada hawlaha Guud iyo gaadiidka Somaliland Ayaa Maanta hawlgal ayka fulinayso Magaalada Hargeisa ayaa waxay joojisay Buuro iyo Dhul Danguud ahaa Oo ay Dad Reer Somaliland Ahi Dhagaxa Kajabin jireen si ay uga helaan nolol maalmeedkodda Oo Maalmihii Ugu danbeeyey Ay Shirkado kale lawareegeen Dadkiina Kajoojiyen

Madaxa kormeerka Danta Guud Ee Wasaarada hawlaha guud Ee Somaliland Md Bushaar ahmed Shookaan Oo horkacaayay hawlgalkaa Ayaa sheegay iyagoo fulinaaya wareegtadii Uu soo saaray Wasiirka hawlaha guud Ay joojiyeen shaqadii kasocotay Dhulkaas iyo buurahaas isla markaana wuxuu sheegay in dhulkan iyo Buurahan ay kashaqaysan jireen dad dan yar ah oo ay shaqo u ahayd isla markaana ilaa amar danbe oo kasoo baxay wasaarada hawlaha guud ay xayireen shaqadii meshaas kasocotay

waxaa iyaguna halkaas kahadlay Dadwaynihii halkaas daganaa isla markaana kashaqayn jiray jabinta dhagaxaanta buurtaas kutaala waqooyiga magaalada hargeisa iyagoo aad uga xun inaan mesha laga shaqaalaysiin dad ajaanib ahina ay meesha kashaqeeyaan waxaany Uga mahadnaqeen wasaarada hawlaha guud hawlaglkaa ay kujoojiyeen iyagana uu dalkoodi Iyo Xukuumadoodi Ay uhiilisay

 

Daawo Muuqaalka Warkaas:-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM