telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qaraabadii Ay Ka Baxday Maruxuumad Aamina Xasan

Hargeisa(Gaaroodi-News) Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) . oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanada ,guddida fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba,

Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Cismaan Cumar Dool oo ka mid ah saraakiisha xisbiga WADDANI oo hooyadii Marxuumad Aamina Xasan geeriyootay maanta oo taarikhdu tahay (05-02-2019).

Waxa uu marxuumadda Alle uga baryaya in uu qabriga u nuuro oo janatul fardawsa ka waraabiyo ehelka iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta Xisbiga ee xisbiga WADDANI 
Hargeysa-Somalilnad

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom