telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Dawlada Ingiriiska Oo Uga Digtay Shacabkeeda In Ay U Safraan Somaila

London(Gaaroodi-News) dawlada ingiriiska oo muwaadiniinteeda ayaa uga digtay in ay u safraan dalka somalia sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska arimaha dibida iyo barwaaqo sooranka ee dalkaasi

Warka ka soo baxa dawlada ingiriska ayaa lagu sheegay in somaliland ay ku jirto meelaha ay muwaadiniinteeda uga digayso balse waxay ka reebtay magaalooyinka hargeisa  iyo berbera.

Ingiriisku wuxu dhamaan muwaadiniintiisa uga baaqay ee ku sugan somalia in ay ka baxan halka kuwa ku sugan  magaalooyinka hargeisa iyo berbera in ay feejignaan muujiyaan isla markaan ay ka fogaadaan meelaha ay dadku ku badan yihiin warbixintan ayaa xustay argagaxisada somaila ay mar walba weerar qaadi karto isla markaana si gaara u beegsadaan dadka reer galbeedka ah iyo dadka kale ee u shaqeeya ururada reer galbeedka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka Daawo:- 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom