telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweynaha JSL Oo Maanta Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka South-Afric

Hargeisa(Gaaroodi-News) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga tallada dalka koonfur Afrika ee ANC.

Madaxweynaha iyo weftiga ka socda xisbul-xaakimka haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada xisbul xaakim ee KULMIYE iyo ANC ee Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga ka socda xisbiga ANC waxa uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, madaxweynaha Jamhuriyadda Somalilandna waxa uu u diray salaan taa la mid ah madaxweynaha Koonfur Afrika.

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is-afgarad buuxa iyo xidhiidh hor leh oo dhexmara labada dal.

    

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom