telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaad ka Ogtahay Haayadi Korantada Dawlada

Maxay tahay Sirta ka danbaysa in Madaxwayne Muuse
Biixi dib Gacanta Dawlada ugu soo celin kari waayo
Hay’adii korontada Dawlada!!!

Madaxweyne muuse oo bulsho weynta reer Somaliland ay waxbadan
ka filayeen in xukumadiisu ku talaabsan doonto ayaa waxyabaaha
sida weyn loo soo dhaweeyey ee wax qabadkiisa ka mid ah Hantidii
ay dawladii hore ku tagri fashay oo uu dib ugu soo celiyey gacanta
dawlada kuwaas oo laga xusi karo arinta raasiga berbera, ilaalada
madarka iyo baarkinka madarka, Haamaha kaydka shidaal ka ee
berbera iyo hanti badan oo ay dawladu leedahay oo uu dib u soo
celiyey iyo tirakoob uu ku sameeyey hantida dawlada.
Hasayeeshee arimaha bulshadu sida weyn ay u sugaysay waxaa ka
mid ah in uu madaxweynuhu dib u soo celiyo Hay’adii Korontada
Dawlada oo bulshadu aad ugu baahi qabto maadaama oo ay lacago
badani kaga baxaan isticmaalka laydhka gaar ahaan bulshada
Somaliland ee danyarta ah.
Nasiib daro arintaas madaxweyne muuse waxba kama qaban,
waxaana uu wali laydhkii dawladu gacanta ugu jiraa ashkhaas gaar ah
oo lagu naas nuujiyo kuwaasi oo dhiig miirato ku noqotay bulshadii
danyarta ahayd iyo gacansatadii kale ee sida xorta ah uga ganacsigan
jiray laydhka.
Ka sakow dadka danyarta ee aan helin baahidii koronto ee ay dawlada
xaqa ugu lahaayeen waxa wax lala yaabo ah in xafiisyada
wasaaradaha iyo haayadaha kale ee dawlada kharashaadka ugu badani
kaga baxo isticmaalka laydhka taas oo hadii ay dawladu soo ceshan
lahayd laydhkeedii wax badan ka tari lahaa lacagta adage e ay
dawladu ku bixiso nalka ay isticmaasho.
Celcelis ahaan lacagta miisaaniyada ugu jirta sanadkan 2019 ee
wasaaradaha iyo haayadaha dawlada ay ku isticmaalaan nalka waxay
dhantahay 4,865,160,790 (Afar Bilyan Sideed boqol iyo shan iyo
lixdan milyan boqol iyo lixdan kun todob boqol iyo sagaashan

shillin) taasi oo ka badan miisaniyada wasaarado muhiim ah marka
loo eego qoondada ay ugu talo gashay dawladu miisaaniyada
sanadkan.
Lacagtaas adagi waxay ku dhacdaa jeebka ashkhaas iyo shirkado gaar
ah oo ay dawladu gacan saar la leedahay kuwaas oo noqday Gafane
ku naaxay dhiiga iyo dheecaanka dadka danyarta ah oo ay weheliso
lacagta ay dawladu ku bixinayso isticmalka laydhka wasaaradaha iyo
hay’adaha kale ee dawlada.
Waxa wax aad loola yaabo ah iyadoo ay jiraan shirkado tiro badan oo
laydhka ka hawl gala kuwaas oo ay ahayd in si xor ah oo siman ay u
bixyaan adeega laydhka ee dawladu u baahato maadaama ay dawladu
shirkadeedi korontada ay iibisay in hadana si gaar ah ay dawladu ugu
xidhay shirkada dhiig miiratada ah ee SOMPOWER, waxanay
dawladu ka maxarintay shirkadihii kale ee muwaadiniinta ahaa ee
adeega ladhka bixin jiray.
Waxaa arintan loo aanaynayaa in dawladu si gaar ah ugu naas-
nuujinayso shirkada SOMPOWER maadaama uu wasiirka macdanta
iyo tamarta ee JSL uu hore u ahaa gudoomiyihii shirkada
SOMPOWER uu hawshan gacan weyn ku leeyahay una fududeeyay
sidii uu kooto ugu xidhi lahaa shirkada SOMPOWER laydhka ay
dawladu isticmaasho.
Waxa arintan cadayn u ah iyadoo shirkada SOMPOWER si xor ah
ugu jirto fidinta iyo tayeynta laydhkeeda, halka taa bedelkeeda
shirkadaha ay ka mid yihiin INDHO BIRTA, TELESOM,
GAAFANE iyo kuwa kale oo ay leeyihiin muwaadiniin reer
Somaliland ah xaqna u leh in ay si xor ah uga ganacsadaan dalkood
loo diiday in ay fidiyaan ama tayeeyaan xadhkaha laydhkooda.
Hadaba arintani waxay u muuqataa in ay dawladu dhinac ka tahay
waxaanay khatar gelin kartaa Amniga iyo xasiloonida dalka ka jira,
maadaama ay sababi karto isku dhac iyo iska hor imaad dhexmari
kara shirkadaha kawada ganacsada korontada oo hadii aanay dawladu
u cadaalad sameyn faraha aanay kala bixin eexda tooska ah ee ay cid

gaar ah garabka ku saarayso kuna muquuninaysa hantida iyo
ganacsiga muwadiniinta kale kharar keeni karta.
Halka hoose waxaan idiinku soo gudbin doonaa lifaaq ku sahabsan
lacagaha adag ee ay dawladu ku bixiso isticmaalka nalka xafiisayda
dawlada iyadoo lacagtaasi si toos ah ugu dhacda shirkada gaarka ah
ee SOMPOWER, Halkii ay ahayd in ay dawladu dib u soo celiso
hay’adii korontada ee dawlda bulshaduna ay aad uga warsugaysay in
dib loo soo celiyo.
Ugu danbayn mudane Madaxwayne maka war qabtaa in halkii Unit ee
Laydhka ahi uu ku socdo 1.5 Dollar taas oo dhiigbax ku ah bulshada
danyarta ah ee Masuuliyadooda aad qaaday lagaana xisaabin doono,
iyadoo arintaas ay hormuud u tahay shirkada dhiigmiiratada ah ee
SOMPOWER.

N
o Name Amount
1 GUDIDA QARANKA EE LADAGAALNKA AIDS-ka 10,000,000
2 GOLAHA GUURTIDDA 100,000,000
3 GOLAHA WAKIILADA 100,000,000
4 MAXKAMADA SARE 100,000,000
5 XEER-ILAALINTA GUUD EE QARANKA 70,000,000
6 HAY'ADDA SHAQAALAHA DAWLADA 32,500,000
7 HANTI-DHAWRKA GUUD EE QARANKA 50,000,000
8 MADAXTOOYADA 100,800,000
10 GARYAQAANKA GUUD 15,000,000
11 HAY'ADDA SIRDOONKA QARANKA 25,000,000
12 JIMCIYADA MUJAAHIDIINTA SOOYAAL 9,000,000
13 WASAARADDA ARIMAHA DIBADDA & IS. 70,000,000
15 W. CADAALADA IYO GARSOORKA 132,000,000
16 CIIDANKA ASLUUBTA 399,000,000
17 MAXKAMADA HOOSE 400,000,000
18 GUDIGA XUQUUQAL-INSAANKA QARANKA 12,000,000
19 WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA 110,000,000
20 CIIDANKA BOOLIISKA 200,000,000
21 CIIDANKA ILAALADA XEEBAHA 40,000,000
22 CIIDANKA SOCDAALKA 137,000,000
23 CIIDANKA DAB-DEMISKA QARANKA SOMALILAND 120,000,000
24 W.GAASHANDHIGA 40,000,000

25 CIIDANKA QARANKA 200,000,000
26 W. QORSHAYNTA QARANKA IYO H. QARANKA 140,000,000
27 WASAARADA H. MAALIYADA 300,000,000
28 W. GANACSIGA, WARSHADAHA IYO DALXIISKA 150,000,000
29 W.MACDANTA IYO TAMARTA 30,000,000
30 W. Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka 60,000,000
32 WASAARADA H. BEERAHA 85,000,000
33 W. XANAANADA XOOLAHA IYO KALLUUMAYSIGA 116,202,050
34 W. ISGAADHSIINTA IYO TIGNOOLOJIYADA 100,000,000
35 W. WAXBARASHADA IYO SAYNISKA 354,364,000
36 GUDIDA TACLIINTA SARE 10,920,000
37 W. HORUMARINTA H. CAAFIMAADKA 80,000,000
38 KOMISHANKA QARANKA MIHNADLEYDA CAAFIMAADKA 17,250,000
39 W.DIINTA IYO AWQAAFTA 127,000,000
40 Hay'adda Diiwanka Sakada iyo Samafalka 15,000,000
41 W. HAWLAHA GUUD ,DHULKA IYO GURIYAYNTA 34,991,822
42 H.DUULISTA HAWADA IYO MADAARADA 190,941,232
43 WASARADA XIDH. GOLAYAASHA IYO A. DISTOORKA 50,000,000
44
WASAARADA SHAQO GALINTA, ARIMAHA BULSHADA, IYO
QOYSKA 90,000,000
45 WASAARADA CIYAARAHA IYO DHALINYARADA 49,384,480
46 GUDIDA DOORASHOOYINKA QARANKA 61,991,280
47 GUDIDA QANDARAASYADA QARANKA 15,600,000
48
HAY'ADA U DIYARGAWGA AAFOOYINKA IYO KAYDKA
RAASHINKA QARANK 20,000,000
49 HAY'ADDA DHAWRISTA TAYADA (Q. C) 10,000,000
50
-KOMISHANKA MAAULWANAAGA & LA DAGAANKAKA
M/MAASUQA 26,800,000
51 H. QAXOONTIGA IYO BARAKACAYAASHA 42,182,886
52 W.DEEGAANKA IYO HORUMARINTA REERMIYIGA 53,098,080
53 GUDIGA FURASHADA URURADA 62,200,000
54 WASAARADA H. MAALGASHIGA 80,000,000
55 WASAARADA H. BIYAHA 19,934,960

TOTAL

4,865,160,79
0

La soco qaybaha danbe…………………………….
Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)
Mohamedxato26@gmail.com
+252-4072688

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom