GAAROODI NEWS NETWORK

Dhamaan Dadweynaha Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska(London) Oo Qado Iyo Casho Sharaf Ku Maamuusay Ex Wasiir Cukuse

Dadweynaha ku nool cariga Ingriiska ayaa Qado Iyo Casho sharaf ugu samaynaya maalinta Sabtida taasi oo ay ujeedadeedu tahay isagoo wasiirku wadanka ingriiska ku sugnaa mudo una joogay waxbarasho ayaa waxa la soo gaadhay xiligii waxbarashada qaybteedii hore soo gunaanaday una sii jeeda wadankii taasi oo ay dadwaynaha qurbajooga ahi halkaasi muujinayaan jacaylka loo qabo,

Ex-Wasiir Cukuse ayaa ah gabi ahaanba dadka ku hadla afka Soomaaliliga mid ka dhex caana in badana loo aqoon ogyahay gayiga Soomaliland halkaasi oo uu ka soo qabtay shaqooyi aad u kala duwanaa ilaa heerka wasiirada A ee dalka jamhuuriyada Somaliland, ex wasiir Cukuse waan nin tacab aad u badan gashaday Somaliland Dad iyo Dalba una muuqata in imika laga tabay dalkii.

Shabakada Gaaroodi News oo u kuur gashay maalmihii ugu danbeeyay oo dhaqdhaqaaq xoogani laguna hadal hayay imaanshiiyaha Ex Wasiir Cukuse ayaa dhamaan dadkii shabakadu la kulantay isku raacsan yihiin inuu Cabdilahi Cukuse Dalka iyo Dadkuba u baahanyihiin iyagoo ku taamay inay ka soo qayb gali doonaa soo dhawayntiisa.

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM