GAAROODI NEWS NETWORK

Meeday Wadadii Cadayd (Hargaysa ilaa Ina Guuxaa)Xagee Yaa Se Ku Danbaysay Ehel Se Yaa u Noqday Marxuunkii AHN Dabadii

Dadwaynaha ka soo jeeda Badhtamaha Bariga iyo Koonfurta Caasimada Hargaysa ayaa ahaa bulshadii ugu horaysay ee ku dhiirata inay dhistaan wadada isku xidha Hargaysa iyo Ina Guuxaa.

Dadwaynahaa xaga sare ku xusani waxay lahaayeen Gudi la magac baxday gudida horumarinta beesha iyagoo ay lahaayeen gudi hoosaadyo ay ka mid ahayd gudida wadada cad dhismaheeda gudidaa oo uu gudoomiye ka ahaa Caaqil Rashiid M Jaanbiir gudi hoosaadka wadada cadna uu ahaa AHN Marxuun Cali Sanyare gudidaa oo isku dooba lahaana xubno aad u firfircoon ayaa waxay ku guulaysteen inay dhisaan wadadaa cad bilawgeedana ku dhiiradaan iyadoo xaga farsamada uu dhiiri galiyay Ganacsade Cumar Caydiid, dhinaca kalena uu ku beegmay xiligaas Cabdilahi (Cukuse) oo dawladaa jirtay wasiir ka ahaa fuliyayna dhamaan caawimadii iyo adeegii looga baahnaa xukuumadii xiligaa jirtay kana keenay dhaqaale lagu dhisay ilaa 10 km.

Mudadaa ka dib waxaa wadanka ka bilaabmay siyaasado ku jihaysnaa doorashooyin halkaasi oo la isku hirdiyay keentayna in ay kala furfurmaa wada shaqayntii beeshaasi gudaheed kuna soo beegantay in gudidaa u tafaxaydatay dhismahaa wadada cad in xilkii ka dhamaado laguna wareejiyo gudi kale oo la magac baxday Sahan Barwaaqo gudidaasi oo xiligaa aan gudi hoosaadkii wadada cad ee Marxuun Cali Sanyare AHN gudoomiyaha ka ahaa aan xilkii laga qaadi ee ay halkii ka sii wadeen in kastoo wixii ka danbeeyay gudidaa hore aan wax la taaban karo laga qaban gudidaa sahnan barwaaqana aanay gabi ahaanba bulshadii la wadaagin halka uu xaalku maray waa sida ilo wadeeno u xaqiijiyeen shabakada Gaaroodi News.

Si kastaba ha ahaatee Geeridii Marxuunka ka dib waxaa ay gudi hoosaadka wadada cad ay had iyo jeer la wadaagi jireen wixii horumar ah ururka Gaaroodi oo ahaa urur mudo badan soo jiray kana soo qayb qaatay hurumarin badan oo beeshu leedahay ahaana ururkii ugu horeeyay ee ee dhismaha wadada cad ka gaystay qayb laxaadle (Lacag Ururin Wacyi Gali Iwm) mar ahaantaasina isku xafiis ay gudida wadada cad la lahad.

Markii marxuunku geeriyooday AHN wax badanina is badalay ayaa waxaa shabakada gaaroodi soo gaadhay in gudoomiyihii wadada cad laga dhigay Cabdi Wiiwaa oo ah inan iska shaqaysta reer ahaana ka soo jeeda reerkii Marxuunka Cali iyadoon la shaacin ama aan la is waydiin yaa ku haboon yaa dadka ka soo qaadi kara mucaawinadii ay bixinayeen ayaa dad badani waxay is waydiiyaan waayo ma isku reer ayay marxuunkii ahayeen baa loogu dhiibay ma farsamada ayuu garanayaa halkaa waxaa ka soo baxay warar aad u xoogan qodabka kale ee isguna aad bulshadu isu waydiisay xafiiskii wada tashiga ee Ururka Gaaroodi iyo gudi hoosaadkii wadada cad wada fadhiisan jiree oo gudoomiyahayn loo cumaamaday ka raro oo uu gurigiisii la tago ugana dhigo xafiis se waxaa ay ugu danbayntii noqotay wadadii cadayd in ay istaago loona baahanyahay in loo gurmado.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM