GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Xidhay Qaarkamid Ah Goobo Cashuuraha Lagu Ururiyo Degmada Salaxley + Sababta

Hargeisa (Gaaroodinews) Wasiirku xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Md Naasir Caydiid Ayaa Wararka Nagasoo gaadhaya Maamulka Degmada Salaxley Ay Sheegayaan Inuu Amar Kubixiyay inla xidho qaarkamid Ah kastamada Cashuuraha Degamada Salaxley

Warkan Oo Uu Noo Xaqiijiyeen Masuulka Tirsan Maamulka Dawlada Hoose Ee Salaxley Ayaa Waxa Uu Noo Sheegay In Uu Wasiirku Shaqaalihii Laba Kastam Oo Cashuuraha Lagu Qaadi Jiray Uu Kasoo Qaaday Goobahoodi Isla Markaana Uu Ku Amray In Ay Tagaan Degmo kale Oo Aanu Deegaankani Hoos Tagin

Masuulka Wuxuu intaas Noogu Daray In Wada Hadal Uu Hada Usocdo Wasiirka Iyo Maamulka Salaxley Isla markaana Ay Cabashadoodu Ugudbiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dawlada Dhexe

Hadaba Waxa Maamulka Iyo Dadwaynaha Deegaanka Salaxley Ay Iswaydiinayaan Sababta Kukaliftay Wasiirkan Inuu Arinkan Kukaco Isaga Oo Uu Wasiirku Uu Kamasuul Yahay Isla Markaana Ay Shaqadiisu Tahay Amniga Guud Iyo Nabadgelyada Dalka Ee Aanay Shaqadiisu Ahayn Kastamada Cashuuraha

Dhawaan Ayay Ahayd markii Uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Uu Md Naasir Caydiid Isaga Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Maxamed Mooge Uu Umagacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha

Dhanka kale Waxaa Iyana Iswaydiinleh Halkay iskasoo Galaan Maamul ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Wasaarada Maaliyada Siiba Waaxaha Cashuuraha Ee Kastamada ?
Arintan Ayaa Ah Sharci jabin Taasoo Kahor imanaysa Nidaamka Ay kuwada shaqeeyaan Wasaaradaha Dalku Iyo Xeerarka Uyaala Taasoo Cadaynaysa Talaabadan Uu Wasiirku Qaaday Sharci Jabin Sida Aynoo Sheegeen Masuuliyiintaasi

Hadaba Waxa Ay Suaashu Tahay Madana Gaara Ayaa Jira Oo Uu wasiirku Kaleeyahay Deegaankaas ?
Maxifiltan Gaar Ah Ayaa kadhaxeeya Maauuliyiinta Degmada Salaxley Iyo Wasiirka ?
Ma wasiirka Ayaan Garanayn Shaqada Qaranku Uu U Igamaday Iyada Oo Ay Talaabadani Tahay Talaabo Aan Hore Udhicin ?

Ma Wasiirka Ayaa Xaq Uleh Arintan Oo Wasiirku Wuu Badali Karaa Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Cashuur Ururinta ?

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM