GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo: Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Oo Eedaymo Ujeediyey Dad Reer Somaliland U Dhashay Oo Uu Sheegay Inay Dacaayado Aan Fiicnayn Dalka Ka Fidiyaan

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaaliland Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa eedaymo u jeediyey dad aanu maga dhabin balse farta ku fiiqay inay reer Somaliland yihiin kuwaas oo uu sheegay inay si guracan horumarka iyo dumquraadiyadda dalkooda Somaliland ka tisqaaday sheegin balse a ay si qaldan oo aan fiicnay uga hadlaan markay umadda fariimo u gudbinayaan.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Arday Jaamacad dalka Somaliland guddihiisa ku taala waxka bartay oo Qalinjabisay kala qaybgalay Xafladda qalinjabinta isla markaana Khudbad dhiirigelinaa halka uga jeediyey dhalinyartaasi iyo dhalinyarta kale ee reer Somaliland, ayaa ku dooday inay 29 ka sanno ee ay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay horumar badan oo la taaban karo ay ay Madaxweynayaashii taladd dalka u kala dambeeyey ee Somaliland hireliyeen isla markaana inta dhiman ay mustaqbalka sii dhamaystiri doonaan raga kale ee taladda dalka ku guulaysta hogaaminteeda ama xukunka iman doona.

Halkan Ka Daawo

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM