GAAROODI NEWS NETWORK

“Muuse Biixi-gii Aan Maalina Dalka Ka Bixin Ee Waayo Araga Aynu U Haysanay Ma Hayno Oo Dadka Reer Somaliland Uma Muuqdo Ee Walaahi Umadda Illaahay Ha Inoo Sahlo Ayaan Leeyahay Meelaynu U Socono…”Siyaasiga Caanka Ee Cabdilaahi Geel-Jire

 

Siyaasiga Caanka Ee Cabdilaahi Geel-Jire oo ka mid ahaa Kaadiriintii Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo garab istaagay doorashadii Madaxtooyadda ee 2017-kii Somaliland ka qabsoontay balse markii dambe Xisbigaasi laga Caydhiyey isaga iyo rag kale oo aragtidooda siyaasaddeed ku saluugay Xisbigoodii iyo hogaamiyihii ay soo saareen ee Madaxweynaha maanta mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa barnaamijka Hal-Adayg oo HC-tv ka baxa lagu waraystay waxaanu kaga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan Somaliland marayso isaga oo wal wal wayn ka muujiyey hogaaminta Somaliland ee Madaxweyne Biixi.

Siyaasiga Caanka Ee Cabdilaahi Geel-Jire oo haatan ah siyaasi Madaxbanaan ka dib markii uu ka baxay xisbigiisii Kulmiye ee uu horena Xukuumaddii hore xilalka kala duwan ee Wasiirnimo uga soo qabtay dawladdii Axmed Siillaanyo, ayaa si adag uga hadlay xaaladda Siyaasaddeed ee Somaliland marayso, waxaanu dhinaca kale ku gootiyey hogaaminta iyo siyaasadda Madaxweynihii uu soo dhisay balse aragtidda siyaasaddeed ay ku kala tageen Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi, isaga oo dhinaca kale ka hadlay Cabdilaahi Geel-Jire arinta Jabhadda Kornayl Caare ee Gobolka Sanaag Xaaladda sansaanka colaadeed ka abuuray.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamijka oo dhamaystiran

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM