Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo ka mida siyaasiyiinta waa wayn ee Reer Somaliland xilal badan oo wasiirnimo iyo guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland uga soo qabtay ayaa talooyin muhiima u diray madaxweynaha Somaliland. MD Muuse Biixi Cabdi Talooyinkan oo Cabdilaahi Ku dooday inay xal u noqon karaan mushkiladah dalka wakhtigan ka taagan hadii Madaxweynuhu qaato.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo Hargeysa Waraysi Ku siiyey ERYAL-Tv ayaa madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi kula taliyey in uu cafis madaxweyne u fidiyo oo Kornayl Care oo Mushilad wayn wakhtigan deegaanada Bariga Somaliland ka abuuray iyo Sheekha Caanka ee Sh. Aadan Sune oo Jeelka oo mudo dheer Jeelka wayn ee Hargeysa ku jirakaga siidaayo
Halkan Goose Ka Daawo