GAAROODI NEWS NETWORK

Faddeexad Weyn Oo Ka Taagan Shirkaddaha Qashin Ururinta Ee C. Hargeysa Oo Dib Xaafaddaha Ugu Dhex Daadiya + Shacab Qaylo Dhaan Diray

Faddeexad Weyn Oo Ka Taagan Shirkaddaha Qashin Ururinta Ee C.Hargeysa Oo Dib Xaafaddaha Ugu Dhex Daadiya + Shacab Qaylo Dhaan Diray

Gaadiidka ay Shirkadaha Qashinka ee Degmooyinka Xaafadaha kala duwan ee Caasimadda Hargeysa Ku dhaqan  xashiishka Guryaha shacabku ku noolyihiin kaga qaadaan kagana ururiyaan iyaga oo lacago dadka qashinkaasi ay ka qaadayaan ka qaata ‘ayaa waxay ku kaceen shaqaalaha qashin ururintu arin Faddeexad iyo halis caafimaad oo wayn ku ah bulshadii ay u adeegaayeen shirkahaasi una keeni karta.

Dhacdadan foosha Xun ee Shirkadaha Qashin ururinta qaarkood ay Ku kaceen Shaqaalihii ay dirsadeen’ ayaa waxay ka dhacday Xaafadda Maxamed Mooge ee Koonfurta Hargeysa  gaar ahaan wadada ka tagta Hudheelka Star una jeeda xaafada Maxamed Mooge ee ka qabanysa dhinaca koonfureed dhaadhaca buurta waxaana suwirada aad ka arki kartaa numberka baanuurkaas noociisu halkaa hadana dadka ku nool agagaarka tilmaanta kor ku xusan ayaa waxay cabasho ka muujiyeen gawaadhida xashiisha ka qaada kana qaata lacag ayaa waxay ku war heleen iyagoo ku qubaya meel guryihii ay ka qaadeen u jirta waxa yar oo isla xaafadiiya isla markaa goobtu tahay meelo seesas ay oo dad leeyihiin markii ay ka war heleena la hadlay warbaahinta qaar ka mida una cadeeyay arintan aadka u foosha xun ee ay ka dhalan karto caafimaad xumo iyo cuduro ka dhasha qashinkaasi iyadoonay markii ugu horaysay ahayn horana uga dacwooday.

Waxaana ka mid ahaa hadaladoodii baaq ay u dirayaan dawlada hoose ee hargaysa iyo waaxada dawlada hoose ee maxamed mooge una sheegaya inay dadkani yihiin cashuur bixiyayaal xaqna u leeyihiin in si dhakh ah wax looga qabto iyagoo dhawraya sharciga se hadii arintaasi sii socoto in ayna garanayn waxa ka dhalan doona.

Waxay dadwaynuhu iyagoo hadalkooda sii wada ay mar labaad codsanayaan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto lana hor keeno sharciga.

Gabagadii wax ay qaar badan oo ka mida gawaadhida xashiishka qaadaa aanay la beegsan meeshii qashinka loogu talo galay iyagoo dadka macaamiisha ah ka qaata lacag loona baahan yahay in Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa waaxyeheeda kala duwani ka hawl gal ay ilaaliyaa waxyaalaha keeni kara caafimaad darada iyo iwm.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM