GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Mahdi Cismaan Buuri Oo Talooyin Dhaxal Gala U Diray Shacabka Amaanayna Ciidanka Qaranka Somaliland

#War_Muhiima

Siyaasi Mahdi Cismaan Buuri oo Shacabka Somaliland u sharaxay Qiimaha Nabadgelyadu Leedahay Iyo Dhibaatada Qabyaalada Ku Duugan

Wasiir Ku xigeenkii hore ee Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Md Mahdi Cismaan (Buuri) ‘ ayaa khudbad Waayeelnimo iyo Waddaniyadi Ku duugantahay talooyin dhaxal gala Ugu jeediyey Shacabka Reer Somaliland waxaanu si gaara u dul istaagay midnimada umadda iyo wada ilaashiga Nabadgalyaddooda Illaahay siiyey island markaana si aan labadaasi Nimco ee umaddani haysato aanay IGA burburin in looga baahan yahay inay ka fogaadaan Ku dhaqanka Aafada Qabyaalada ee aadka u Xun.

Siyaasi Mahdi Cismaan (Buuri) oo ka mida Haldoorka Siyaasiyiinta waa wayn ee Reer Somaliland’ ayaa khudbad uu ka jeediyey Salaadii Ciidul-Figriga ee maanta Masaajidka Gobolka Hargeysa’ waxa uu aad Ugu dheeraaday inay shacabka Reer Somaliland nabadgelyadda dalkoodu haysto ee Taamka ah wada ilaashadaan isaga oo dhinaca kale amaanay Ciidamada kala duwan ee Reer Somaliland kuwaas oo uu sheegay inay yihiin samafalayaal cadawga had iyo goor kaga dayran hadh iyo habeen nafahoodana u huraan dalkooda iyo dadkooda.

Siyaasi Mahdi Cismaan (Buuri)

 

Halkan Ka Daawo

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM